HAWEENEY CAAN KU AHAYD XANAANAYNTA MAROODIGA OO KU GEERIYOOTAY…..

Haweeney caan ku aheyd xanaaneynta Maroodiyaasha gaar ahaan kuwa waaridkooda la waayay ee ku nool dalka Kenya ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka iyada oo jirta 83-sano.

Daphne Sheldrick oo ku dhalatay dalka Kenya ayaa inta badan nolosheeda ku bixisay xanaaneynta Maroodiyaasha, waxa ayna caawisay oo meel ku heysay in ka badan Labo boqol oo maroodi ah.

Maroodiyaasha haweeneydan ay xanaaneysay ayaa waxaa ku jiray qaar yar yar oo waalidkood u dhinteen abaar iyo kuwa ay dileen kooxaha ugaarsada maroodiga, waxa ayna haweeneydan samaysay hab ay caano ku siiso maroodiyaasha yar yar.

Haweeneydan ayaa aas aastay hay’ad ay ninkeeda dhintay ugu magac dartay David Sheldrick Wildlife Trust (DSWT, oo duurjoogta qaabilsan, waxa ayna Hay’adan ka shaqeysay  badbaadinta iyo isdhexgalinta maroodiyaasha agoonta ah iyo duurjoogta kale.

Dame Sheldrick waxay daabacday dhowr buug waxayna sidoo kale kasoo muuqatay barnaamijyo TV-yada laga baahiyey iyo filimaaan, waxaana kamid ah filim taxane ah oo lagu magaabo Born to be Wild.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>