HAWEENAY BOOLIS AH OO CANUG LA SOO TUURAY NAXARIIS LAMA FILAAN AH U MUUJISAY

Haweeney Boolis ah ayaa si weyn loogu amaanay kadib markii ay naxariis u muujisay naaskeedana u deysay cunug yar oo markaa dhashay oo lagu soo tuuray goob cidlo ah.

Qof dukaan ku lahaa goob u dhaw halka cunuga yar lagu soo tuuray ayaa wacay saldhiga una sheegay in cunug jidka lasoo dhigay, waxaana haweeneydan booliiska ka mid ah markii cunuga aragtay durba bilowday in ay nuujiso cunuga yar oo aad u baahnaa.

Waxa ay sheegtay haweeneydan oo lagu magacaabo Archana in ay aad u murogootay markii ay aragtay cunugan yar ee la soo tuuray, waxa ayna tilmaantay in uuba ula mid noqday cunugeeda oo kale sidaasna u nuujisay.

Haweeneydan booliiska ayaa sheegtay in dhawaan ay wiil dhashay sidaasna ugu suurtogashay in cunugan yar ee lasoo tuuray nuujiso, waxa ayna tilmaantay in ay dareensan tahay xanuunka laga maro ilmaha yar marka la dhalayo.

Cunugan yar ee la soo tuuray ayaa loogu magac daray cunuga dowlada waxaana la geeyay xarun lagu xanaaneeyo caruurta aan waalidka heysan, waxa ayna booliiska baadi goobayaan hooyada dhashay cunugan ee banaanka usoo tuurtay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>