HAWEENAY 4-SANO LAGU XUKUMAY OO NINKEEDA LA FARAY INUU ILMAHA SII XANAANEEYO

Haweenay Soomaali ah oo degan dalka Austaralia ayaa lagu xukumay 4-sano oo xabsi ah, waxayna xukuumadda dalkaasi amar ku bixisay in ninkeeda uu sii xanaaneeyo muddada ay xabsiga soo dhammeysanayso haweenaydaas.

Haweenaydaas oo deggan Gobalka Queenland ee dalkaasi ayaa la soo taagay Maxkamad ku taala caasimadda Gobalkaasi ee Brisbane, kadib markii lagu eedeeyey inay 2 gabdhood oo ay dhashay u kaxaysay Soomaaliya, kuna soo samaysay gudniinka fircooniga ee FGM-ka oo mamnuuc ah dalkaasi.

Haweeneydaasi oo 45 jir ah ayaa waxaa lagu helay inay gabdhaheeda oo 10-jir iyo 13-jir kala ahaa ay Soomalaiya u dhoofisay bishii April ee sannadkii 2015-kii, si loogu soo gudo.

Garsooraha Maxkamadda Brisbane, Leanne Clare ayaa waxay ku tilmaamtay dhaawacaasi inuu yahay tacadi ka dhan ah carruurta, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Haweeneydaas Soomaalida ah ee lagu xukumay Xabsi 4-sanno ayaa waxa uu xukunkeeda noqonayaa midkii ugu horreeyey oo ay Maxkamadda Gobalka Qu’eensland ee dalka Australia ku xukunto shaqsi lagu soo eedeeyey Gudniinka Fircooniga ee FGM-ka.

Dhinaca kale, Haweeneydaasi oo la sheegay inay la xanuusan tahay Cuddurada Kansarka iyo dhabar-xanuun ayaa la sheegay in muddo 8 bilood ah la hakin doono muddada lagu xukumay, iyadoo carruurteeda  la sheegay inuu daryeeli doono aabahooda, inta ay hooyadooda xabsiga ku jirto.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>