HAWEEN KU NOOL DALKA KENYA OO SABAB LAYAAB BADAN UGU BIIRAYA AL-SHABAAB.

Faqriga iyo shaqa la’aanta ka jirta qaybo farabadan oo kamid ah Kenya, ayaa sabab u noqotay in hablo badan oo Keenyaati ah ay Al-shabaab shaqo u doontaan tobankii sano ee ugu dambeeyay.

Shaqa la’aanta ugu badan ee ka jirta Kenya, ayaa waxa ay saamayn wayn ku leedahay dumarka kuwaas oo aysan u sahlaneen in sifudud ay shaqo u helaan.

Robert Robow Ochoala, oo ka hawl-gala xarun lagu dhaqan celiyo dadka horay Al-shabaab uga tirsanaan jiray ayaa aaminsan in sababta ay Al-shabaab ugu biirayaan dhalinyaro farabadan oo keenyaati ah ay tahay fursad la’aanta iyo rajo xumada ku haysata dalkooda.

Gabar magaceeda lagu sheegay Fatuma, oo ahayd gabadhii ugu horeesay oo Kenya u dhalatay oo ku biirta dagaalamayaasha Al-shabaab  sanadii 2006’dii ayaa sheegtay in haddii ay haysan lahayd shaqo wanaagsan aysan ku biirteen Al-shabab,

Hablaha ku biira Al-shabaab ayaa waxa ay door fiican ka qaataan hawlaha uu qabto ururka ayagoona Al-shabaab u qaabilsan fidinta mabaadi’da uu ururku aaminsan yahay iyo xog uruurin ku aadan falal basaasnimo.

Haweenay kale oo magaceeda lagu soo koobay Haliima, horayna uga tirsanaan jirtay Al-shabaab ayaa sheektay in cunug ay dhashay oo isku qarxiyay xerada xalane weerar dhacay sanadii 2014’tii waqtigaas wixii ka dambeeyay’na ay laxumaatay kasii mid ahaanshada ururka.

Dowladda Kenya, ayaa dhawr jeer oo hore sheegtay in ay soo cilisay dhalin yaro farabadan oo horay ugu biiray Al-shabaab, lkn Kenya ayaanan wali darsin in ay xal u hesho sababaha keena in intabadan dhalinyarada dalkeeda ay Al-shabaab ku biiraan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>