HAMBALYO FARXADA AROOSKA QARNIGA.

Waxaan halkan tahniyad farxad aan la qiyaasi karin leh uga dirayaa Saaxiibkey Cali yare Cabdiwahaab Aaden iyo dumaashidey Fahmo Cabdullaahi Ibraahin oo arooska aqal galkoodu uu ka dhacay dalka Uganda.

Xaflada aqal galka arooska oo ay ka soo qayb galeen dad weyne aad u badan oo dhamaantood ku faraxsanaa ayaa ka dhacdey magaalada Kampala ee caasimada wadanka Uganda.

Saaxiibkey Cali-yare iyo dumaashi Fahmo Cabdullaahi waxaan u rajeynayaa in ay noqdaan kuwii isku waara ubad khayr qabana kala hela, wiil iyo caano gabar iyo caano.
Sidoo kale ayaan Alle uga bayayaa ln ay ku noolaadaan kalgacal aan la koobi karin, jacayl aan dhamaan, caashaq aan dhiman , xubi joogta ah , guur raaxo leh, guri barwaaqo iyo nolol aayo wacan.

Iyada oo aan kala joogney laba magaalo oo kala durugsan awgeed Iima suura gelin in aan ka qayb galo xaflada iyo damaashaadka arooska saaxiibkey Cali-yare iyo dumaashi Fahmo, inkasta oo aan kaga qayb qaatey khadka talafoonka oo aan labadoodaba uga hambalyeeyey habeenkaas farxadeedna kula wadaagey.

Dumaashi Fahmo waxaa magaalada Kampala si weyn ugu soo dhaweeyey wariyaal, Ardey, dhalinyaro iyo dad weyne badan oo uu horkacayo Cali-yare Cabdiwahaab Aaden oo ah suxufi ay bulshadu aad u jeceshahay, sidaa darteedna aan loo kala harin soo dhaweynta xaaskiisa Fahmo iyo xaflada aqal galka arooskiisa.

Aroosku waxa uu ahaa mid intii ka soo qayb gashey ay u riyaaqeen , waa AROOSKII QARNIGA, waxa uuna ka markhaati kacayaa in Jacaylka iyo kalsoonidu ay wax walba ka weynyihiin mar walbana ay yihiin kuwo guuleysta

Mar kale hambalyo saaxiib Cali-yare iyo dumaashi Fahmo Alle ha idinka dhigo kuwa ku liibaana guurkooda Aamiin..aamiin.

Mohamed Farah Ali ( Duurgal)

AAYAHANOLOSHA.NET

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>