HADRAAWI IYO XABAASHII BOODHARI: “TAARIIKH JACEYL HUWAN”.

Waxaan doonaya in Bulshada Soomaaliyeed in aan wax yar uga taabto mid ka mid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan abwaanka Caanka ah  Maxamed Ibraahim Warsame hadraawi.

Hadraawi ayaa Tariikhdu Markay aheyd 1975 isaga iyo  abwaaniin iyo fanaaniin  oo heesayaal ah waxa ay booqdeen Qabriga Cilmi Boodhari.

Cilmi ayaa la rumeysan yahay in uu yahay ninka u dhintay Jaceyl uu u qaaday Hodan sida taariikhda  Soomaalida ku xusan

Cilmi waxa uu ku duugan yahay batalaale waa Meel xeeb ah  oo ku taala banaanka magaalada Bar Bara Ragii Booqday xabaasha Cilmi oo la socday Abwaan hadraawi waxaa ka ahaa

Labo ilma Mooge ah waa Axmed iyo Maxamed, Cabdi qeys Arnamal , shimbir iyo fanaanii  kale oo badan.

Hadaba Abwaan hadraawi muxuu ka yiri xabaashi dusheeda?

Boqorkey huq iyo ciil hagardaamo lulisow hadimada kal gacalka leh cilmigii u hoydoow

Heesaha baroortale hal qabsiga jeceylka hambal yiyo salaan iyo hibo iga gudoo moo kolay waan hubaayoo howlihii addunyada heshay aayahoodee hal yar aanku tebiyee janadii mahurudaa? Har qaboow majiiftaa? Hoobaan magurataa? Hablo xural ceynihi sow kuuma heesaan?

Waxa aadla haysaaba hoo kuma yiraahdaan?wadka lama huraayee reer son hayaamiyo hayin raran makulan teen hor ilaahay adigiyo hodan maaysku aragteen? Ma is dhaafsateen hadal?

Bal maxan hawen iyo dumar ugu hiloobaa ama kula heshiiyaa ugu hagar la aa daa?

Sowtey hir beniyo ku tusen hilaacee hogol aan biya lahayn hanfi kuu aroorshe hirwa kuu garaceen

Hungo kuugu baaqeen soowtay ku hoowleen haadaan kugeeyeen horoy kuugu tureen

Hoga kuu dabooleen hoos kuugu riixeen

W/Diyaariyey: Saalax Nuur  Cali
Saalaxcade@gmail.com

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>