HADDAAN LAHAAN LAHAA…..!

Nin ay dilootay baagamuundanimo  ayaa muddo badan wuxuu raadinayay goob uu ka shaqeeyo,  shirkado badan ayuu shaqo u raadsaday, mid waliba waxay ku dhahaysay hadda shaqaalo uma baahnin ee mar kale inoo kaalay.

Maalin ayaa nin saaxiibkiis ahaa wuxuu u sheegay in ay jirto  shirkad weyn oo u baahan shaqaalo, wuxuu tegay shirkaddii wuxuuna la kulmay Maamulkihii shirkaddaas oo u sheegay in ay bannaan tahay shaqo nadaafadeed oo Musqulaha lagu nadiifinayo,  waxa uu wiilkii go’aansaday in maadaama uu muddo badan baagamuudo ahaa shaqadaas qabto, wuuuna ogolaaday.

Intii lagu guda jiray waraysigii wiilkaa lala yeelanayay ayaa waxa uu maamulhii ku yiri “Waan kuu aqbalnay, laakiin waxaan kaa rabnaa Email-kaaga si aan kugu soo dirno heshiiska iyo waajibaadka shaqada”.

Wiilkii oo arrinkaas ka murgooday ayaa waxa uu ku jawaabay in uusan lahayn Email iyo in uusanba guriga u oolin Computer.

Waxaa uu ku jawaabay Maamulihii: “Hadii aadan lahayn Email,  Computer-na aadan lahayn  waxay taasi la macno tahay in aan lagu heleynin mar kasta oo laguu baahdo, marka shaqadii waan kaala laabanay oo waxaanu rabnaa  qof Email leh oo Computer heysta.
Ninkii shaqadoonka ahaa isagoo murugeysan ayuu iska tagay kadib markii ay ka soo xirmeen albaabada loona soo diidey shaqada.

Ninkii  muddo kale ayuu baagamuundo sii ahaa, kadib wuu fakaray wuxuuna ku hamiyay qorshe kale oo ahaa in Lacag yar oo uu heystay oo dhammeyd 10 doollar uu ku iibsado khudaar, waxayna u goysay 10-kg oo khudaar kala duduwan ah, kadib ayaa wuxuu bilaabay in uu gargaraaco guryaha albaabadoda si uu uga iibiyo khudaarta, wuxuuna ka faa’iidayay maalintii 10 doolar.

Muddo kadib waxa uu fahmay shaqada, maxaa yeeley shaqadu ma ahayn mid ku adag, waxa uu bilaabay in uu joogteeyo shaqada saddex waqti ee maalintii, haddana waxa uu bilaabay in uu waqtiga hore ee subixii kaco si uu u iibiyo afar meelood meel ka mid ah khudaarta, kadib wuxuu  heley macaash saa’id ah ilaa uu awooday in uu gato Mooto uu khudaarta ku geeyo xaafadaha.
dedaalka ayuu sii kordhiyey wuxuuna muddo kadib awood u helay in uu gato Gaari (Baabuur) nooca yar ee xamuulka qaadi kara, wuuna sii dedaalay ilaa uu ka noqday nin haysta shirkad yar oo iibisa khudaarta.

Shan sano kadib ninkii caan ayuu noqday, khudaar fara badan ayaana gobollada uga imaan jirtay, kadibna waxa uu noqdey ninka ugu kaydka badan dhinaca khudaarta.
Wuxuu bilaabey in uu ka fikiro mustaqbalka ilaa uu go’aansaday in shirkaddiisa uu u helo caymis, wuxuuna la xiriiray mid ka mida shirkadaha caymiska ugu weyn, waana la ogolaaday, kadibna waxaa loo ballamiyay wareysi iyo in shaqadiisa wax badan laga weydiiyo.
Waxaa waraysi la yeeshay mid ka mid ah maamulka shaqaalaha shirkadda caymiska, kadib ayuu ku yiri waan ku aqbalnay, waxaadna na siisaa Email-kaaga si aan kuugu soo diro heshiiska caymiska.
Ninkii ayaa ku jawaabay in uusan laheyn Email iyo in aanu isticmaalin Computer, ninkii  shaqaalaha shirkadda caymiska ayaa  layaabay waxa uu ninkan ganacsadaha ahi ku hadlayo, wuxuuna ku yiri waxaad heysataa oo aad sameysay shirkada ugu wayn ee keydinta khudaarta muddo Shan sano gudaheed ah, haddane ma lihid Email, taas macquul miyaa…? wuxuu kaloo ku sii yiri “Oo dunidan hormartay ee xiriirkeeda uu noqday Computer iyo Email  maxay tahay sababta aad u yeelan weysay?!!.
Ninkii isagoo qoslaya ayuu ugu jawaabay “Haddaan lahaan lahaa Email iyo Computer  waxaan xilligan ahaan lahaa mid nadiifiya musqulaha oo ma gaareen heerka aan hadda gaaray ee nabaday haddiiba Email uu ku xiran yahay Caymiska….”

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>