HADDAAN HOOYO WAAYEY AAN HELO HAYBTII WALAALADEY (BAAFIN SHEEKO NAXDIN XAMBAARSAN).

Waxaan Jeclahay in aan halkan akhristayaasha ugu soo gudbiyo Sheeko baafin ah oo dareen naxdin leh Xambaarsan, taas oo uu iga Codsadey in aan u Shaaciyo Cabdullaahi Mustaf Axmed oo uu Hooyadii diley Nin qabey oo ay Caruur u dhashey, waxa uuna markii ugu horeeysey ku bilaabey.

“Hooyadey Raaliyo Maxaad Uudi waxay ku dhalatey Tuulada Mareerey oo 10KM u jirta Degmada Afgooye, Waxeyna igu dhashey Tuulada Mareerey 1983kii , Aabahey waxa uu geeriyoodey aniga oo yar oo Toddoba jir ah.

Geeridii Aabahey Kadib waxaan u soo guurney Magaalada Muqdisho, Xaafada Barmuuda gaar ahaan Bashiir Lugey, hooyadey Waxaa guursadey Adeer Cabdullaahi Farey oo ay gabar u dhashey, taas oo lagu magacaabo Leyla Cabdullaahi Farey, balse markiiba waa ay kala tageen.

Waxa Hooyo guursadey nin kale oo ula guurey Magaalada Baledweyne ee Gobalka Hiiraan. Aniga iyo Mid kale oo walaalkey ah oo Aabahey Dhaley waxaa nala hartey Ayeeydey Xaawo Abkoow oo aad noo Jeclayd anagana sidoo kale ayna jirin Cid aan ku doorsaneyney, hooyo iyo ninka ay guursatey Waxa ay ku noolaayeen Magaalada Baledweyne gaar ahaan Xaafada Kooshin sida la ii sheegey.

Qiyaasta inkasta oo aan si buuxda u hubin sanadka balse aan u maleyn 2002 ayaa la igu soo wargaliyey War tiiraanyo leh oo ahaa in ay hooyadey geeriyootey ayna Sababsatey Gacanta ninkii qabey kaas oo la sheegey in uu Ceejin ku diley amin habeen ah.

Waxaa la ii sheegey in markii uu diley uu u baxsadey Magaalada Qalaafe ee kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya isaga oo ay la socdaan saddex Caruur ah oo ay hooyadey u dhashey kuwaas oo ahaa laba gabdhood iyo Wiil Hooyadey waa xijaabatey waxaanse Jeclaan lahaa in aan helo Walaaladey mar haddii aan Weyney Hooyo Macaan.

Adeerkey illaahey ayaa ku sababey gacantiisa in ay ku baxdo Hooyadey, Xisaabna rabigii na abuurey ayaa ku leh, waxaanse Cadeynayaa in aan anigu Cafiyey Dilkii uu Hooyadey u geystey Qof ahaanteyda…..Waan Cafiyey mar kale aan ku celiyo ee.

Sidaa darteed waxa aan Ka codsanayaa Walaalaha Sharafta leh ee Soomaaliyeed in ay iga Caawiyaan Walaaladey oo ahaa laba gabdhood iyo wiil sidii aan ku heli lahaa…sidoo kalana waxa aan ka Codsanayaa in ay Hooyadey iigu Soo duceeyaan in naxariistii Jano alle ka waraabiyo” Ayuu Sheekadii ku Soo gaba gabagabeeyey Cabdullaahi Mustaf Axmed oo ay labadiisa indhood ilini ka qubaneyso islamarkaana uu ka muuqdo dareen Murugo leh…inta uu qisadan iiga sheekeynayey waxa marba hakad nagalinayey oohinta uu ku jirey iyo ilinta uu iska tirayey.

Ilaahey ha u soo ururiyo Walaaladii Hooyadiina Naxariistii Jano alle ha kawaraabiyo.

Mohamed Farah Duurgal.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

534 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>