Guurka Wanaagsan iyo Furiinka: Xaaladda Soomaaliya.

Marka aynu niraahno guurka wanaagsan, macne ahaan maxaynu kawadnaa ama aanu uga golleenahay? Erayga guur waa eray aad iyo aad caan u ah ee uu qof walba oo Soomaali ah garanayo. Balse marka aynu raacino erayga wanaagsan waxa uu u dhawaaqayaa sida sife oo kale ama sifeeye. Macne ahaanna “Guurka Wanaagsan” waa, “Guur kuu horseeda in aad lawadaagto lamaanahaaga nolol xiisaleh ee waarta”. Guurka wanaagsan waxa uu sife ahaan caan kuyahay in aysan soo kala dhexgelin lamaanayaasha khilaaf ama dagaal dadyawga kale ee ku agnool ay dareemi karaan.

Hadaba, hadii aan guda kalo guurka wanaagsan aniga oo u eegaya Qoysaska Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba. Waxa aynu ogaaneynaa inaysan Qoysas badan kataxadarin dhibaatooyin laga yaabo inay wax udhimaan wada noolaanshahooda. Hadaba, maxaa kamid ah dhibaatooyinkaas? Marka Qoyska uu sanad jirsado waxa uu galayaa jawi awood u halgamid ah, jawigan lamaanayaasha qaar kamid ah waxa ay uga gudbaan samir iyo dulqaad iyaga oo arinta ka eegaya dhanka suuban. Halka lamaanayaasha qaarkood ay islamarkiiba kaqeybqaataan halganka loogu jiro hoggaanka Qoyska. Marka aynu kahadleyno Qoys Soomaaliyeed, hoggaanka inta badan waxa haya ama u gacanta ugujiraa ragga (labka). Halka wadamada qaarkood, hoggaanka ay u loolamaan lab iyo dheddig labaduaba. Inaga oo xooga saareyna xaaladda wadanoolaashaha Qoysaska Soomaaliyeed lagasoobilaabo sanadkii 1991ka ilaa waqti xaadirkan. Waxa aynu ognahay in ay jiraan Qoysas farabadan oo Soomaali ah ay kalatageen ama ay isfureen mudadii qaxa iyo dhibaatada lagu jiray. Ciladda ugu weyn ee loo aaneyo furiinka xad dhaafka ahaa ee soo wajahay Qoysaska Soomaaliyeed waxa lagu sheegaa inay ugu wacneyd labo waxyaabood: “Hantida iyo Carruurta”. Kaalin intee dhan ayay kaqaateen Hantida iyo Carruurta furriinka xad dhaafka ahaa ee ay qoysas farabadan lakulmeen? Kahor inta aanan kajawaabin suaashan waxaan doorbidayaa inaan wax kairaahdo dhamaanba waxyaabaha keena in qoys uu burburo. Hadaba, arimaha uguweyn ee dhalliya inuu qoys burburo waxa lagu sheegaa inay afartan udubdhexaad uyihiin: (1) Hantida, (2), Carruurta, (3) Reer Xiddidka iyo (4) Gogasha. 

Doorka ay Hantida Kacayaartay Furiinka 

Doorka ay hantida kacayaartay kalatagga ama kala irdhoobidda lamaanayaal isjeclaa waxa lagu sheegaa inay aheyd midda ugu weyneyd ee la orankaro waxa ay u aheyd lafdhabar dhibaatooyinka soo wajahay guurka sanadihii qaxa iyo dhibaatada lagujiray. Waayo, dalka waxa kaqarxay dagaal sokeeye. Qoysas farabadan waxa ay ukala qaxeen meelo aysan horay u arag, waxa soo wajahay daruuf aysan kadabbaalan karin iyo diif ay kureebeen qaxa iyo dhibaatada. Tusaale kuhaboon arintan waxa ah, qoysaskii u qaxay gobollada iyaga oo aan horay u arag waxa ay lakulmeen dhibaatooyin. Inkastoo dhibaatooyinka ay ahaayeen kuwo laga bedbaadi karo, qoysas faraban waxa qabsatay hanti la’aan. Sababtoo ah, hantidoodii waxa ya kaga yimaadeen kobtii ay kasoo hayaameen ama ay kasoo qaxeen. Sidaa darteed, lamaanayaal farabadan waxa ay kaashadeen samir iyo dulqaad halka lamaanayaal kale ay kusamri waayeen daruufaha soo wajahay. Waayo waxa ay u arkayeen daruufta mid aan laga dabbaalan karin sanad ama sanado iyaga oo ku qiimeyay xaalladda uu dalka kusugnaa iyo rajada ay kaqabeen inay kunoqdaan hoygoodii. Kadib, waxa bilawday furiinkii xad dhaafka ahaa ee sababay in la’ogaado inay qoysas farabadan kala tageen.

Hantida sidoo kale waxa lagusheegaa inay siyaabe kale uga qeyb qaadatay burburka qoysas farabadan. Tusaale ahaan, marka ugu horeysa ee lamaanayaal da’doodu yartahay ay doonayaan inay dhisaan qoys cusub waxa intabadan dhacda in lamaanayaasha midkamid ah aysan daacad ka aheyn udub utaagiddaa qoyska balse uu wato ama ay wadato dan u gaar ah. Sida aynu dhamaanteenba lawada socono, marka qoys ladhisayo waxa ugu horeeya ee loobaahanyahay in maskaxda lagu hayo waa in iskumeel wax loowado. Balse marka lamaane uu doonayo inuu qoys dhiso isaga oo kaashanaya lamaane kale, halka lamaanaha kalese dantiisa ugu weyn aysan aheyn qoys ladhiso balse ay tahay inuu kasbado hanti waxa yaraanaya macquul ahaanshaha in qoyskaasi uu sii joogteeyo jiritaankiisa. Marka aan si kalese u iraahdo reerka ama qoyska ceynkan oo kale ah intabadani maliibaano. Waayo lamaanayaashu iskumeel wax uma ay wadaan, midba waxbaa u cad, halka mid uu doonayo inuu reer iyo carruur tabco kan kale waxa uu kuhawlanyahay in uu kasbado hanti. Hadaba, kaalinta ay hantida kacayaartay kalatagga ama furiinkii xad dhaafka ahaa ee sida weyn looga dareemay dalka maaha mid yar. Waxa aynu halkan kadareemi karnaa in hantidu ay saameyn weyn oo xagga kalatagga ah kuyeelan karto qoysas horay udhisnaa iyo kuwo cusuba intaba.  

Doorka ay Carruurtu Kacayaareen Furiinka 

Arintu maysan aheyn un tan hantida, sidoo kale Carruurta waxa ay kadheeleen kaalin weyn furiinka xad dhaafka ahaa ee ay qoysas farabadan lakulmeen sanadihii dagaaladii sokeeye ay socdeen. Qoysas farabadan oo dhalay carruur waxa ay danta u arkeen inay kala tagaan kadib markii ay u taag waayeen nolol maalmeedka aassaasigga u ahaa sii joogteenta nolosha carruurtooda. Kaalinta ay carruurtu ka kaqaateen kalatagga iyo tafaraaruqa qoysas faraban maha mid aad u yar. Sanadihii kadambeyay sanadkii 1991kii waxa kor ukacay tirada furiinka iyada oo ay ugu wacneyd qoysas farabadan oo ku go’doomay kob aysan kasoo bixikarin. Intabadan, waxa sababay in qoysas farabadan ay kala daldoorsadaan arin lalaxiriiriyay qabiil. Waayo Soomaalida waxa ay caado iyo dhaqanba u laheyd “Caadada Kalaguursigga”, sidaasi darteed lamaanayaal kakala socday qabaailo ay dirriri kadhaxayso ayaa ugu badnaa tirada qoysaska isfuray muddadii qaxa iyo dagaalada sokeeye ay socdeen. Inkastoo hantida kaalin weyn ay kaqaadatay furiinka dalka sida weyn looga dareemay hadana tan ay carruurta kadheeleen maysan yareen. Tusaale kuhaboon arintan ayaa waxa uu yahay, in aysan waaliddiinta dhamaantood isku mid ahayn, ama isku meel wax kama arkaan. Marka uu aabbe doonayo in ay carruurtiisu bartaan ama lageeyo dugsiyada waxbarashada maadigga ah, hooyada carruurtaasina ay dooneyso inay carruurteeda u bartaan quraanka kahor inta aysan bilaabin waxbarashada maadigga ah. Intabadan waalidiinta ceynkan oo kale ah waxa kadhexdhasha khilaaf marka ugu horeysa kubilawda qaab sahlan balse mararka qaarkood xal uheliddiisu ay dabadheeraato. Waayo waaliddiintu labaduba waxa ay joogaan heer ay kayihiin mas uuliyiin carruurtooda. Sidaas darteed waalid waliba waxa uu doonayaa in taladiisu ay socoto. Taasina waxa ay kadhex abuurtaa qoyska in uu galo waji hoggaan u halgamid ah. Loolanka ay waaliddiintu ugalaan inay hantaan hoggaanka qoyska waxa ay intabadan keentaa in labada waalidba aysan wax kala maqal ama kala qaadan taasina waxa ay sababi kartaa in qoyska uu burburo. Marwalba oo ay waaliddiintu isku maandhaafaan islameeldhigidda waxbarashada carruurtooda hadii ay ahaan laheyd midda maadigga ah iyo tan diiniga intaba waxa qoyska uu intabadan kudhambeeyaa furiin.

Hadaba, kaalinta ay kadheeleen carruurta kalatagga iyo ismaandhaafka waaliddiinta maha mid yar ama laorankaro waxyeeladiisu way sahlantahay. Sidaas darteed, carruurtu waxa ay xubno muhim ah uyihiin qoys walba, waayo carruurta waa waxa ugu horeeya ee ay labada waalid isku maandhaafi karaan. Marka waalid waaliddiinta kamid ah uu uleynayo ama garaacayo carruurtiisa waaliddka kale dantu umasaamaxdo intaban inuu kueegto carruurtiisa oo lauleynayo. Marka ay dhacdo in waalidka carruurta uleynayey laga celiyo carruurta isaga oo uu u arko in ay carruutu qaldanaayeen ay aheydna inay maraan ciqaabta uu ciqaabayo oo uu u arko xal uhelidda dhibaatooyin kale oo ay carruurtu kukici lahaayeen. Halka waalidka kalese uu u arko in carruurta aan lagaraacin balse si degan wax loogu sheego, intabadan waaliddiinta isku maandhaafta edbinta ama carbinta carruurta waxa ay dhaxlaan naceyb iyo fikrad khaldan oo ay kala qaataan. Waayo, waalid waliba waxa uu kusuganyahay xaalad uu kayahay masuul carruurtiisa. Sidoo kale waalid kamid ah waaliddiinta waxa uu xal u arko hadii waalidka kale uusan ku raacin ama uusan ku adeecin intabadan qoyska waxa uu qarka usaarmaa burbur iyo kalatag. 

 Doorka ay Reer Xiddidka Kacayaaraan Furiinka 

Inta aanan gudagelin kaalinta ay reer xiddidku kadheelaan furiinka kadhexdhaca qoysaska waxaan doorbideyaa inaan wax kairaahdo macne ahaan ereyga “Reer Xiddid” waxa uu yahay. Waa maxay Reer Xiddid? Marka aynu maqalno eryga ‘reer’ waxa uguhoreya ee maskaxdeena kusoo dhacayo waa ‘qoys’ ama qoysas isu tagay oo sameeya dallad weyn oo qoysas ah. Sidoo kale waxa aanu ereyga u fahmi karnaa inuu u taaganyahay ‘qabiil’ sida marka aynu doonayno inaynu magacawno qabiil tusaale ahaan ‘reer qurac ama reer qansax’. Inkastoo aynu ereyga ‘xiddid’ unaqaan salka geedka ama geedaha marka laga hormariyo ereyga reer umaynu fahanno erey ahaan macnaha dhabta ah ee uu leeyahay. Balse marka ereyada ‘reer iyo ‘xiddid’ aynu israacino waxa ay yeelanayaan macne kaduwan midka ay labaduba leeyihiin. Hadaba, ereyada “reer iyo xiddid” israacintooda waxa ay sameynayaan macna ah: “Qoyska gabar lagaqabo ama qoyska gabar reer kaqaba”. Hadii aan udaadego nuxurka mowduuca, kaalinta ay reer xiddidku kacayaaraan furiinka maaha mid yar ama ladhayalsan karo. Waayo, waxa walba waxa ay leeyihiin marjic looceliyo ama ay unoqdaan sidaas darteed reer xiddidku waa marjica qoyska.

Tusaale ahaan, qoys madhismo hadii aysan jirin reer xiddid kacaawinaya inay lamaanayaasha da’da yar dhistaan qoys. Reer xiddidku waxa ay kaqeyb qaataan dhisidda qoyska sidoo kalese waxa ay kaqeyb qaataan burburintiisa. Waayo waaliddiinta iyo carruurtooda isku si’ waxa uma arkaan. Marka carruurta ay danta u arkaan inay lawadaagaan nolol lamaanayaal ay isdoorteen waalidkuse uu u arko lamaanayaasha carruurtiis ay doorteen inaysan kuhabooneyn inay lawadaagaan nolol, waxa soo kaladhexgalla waalidka iyo carruurtiisa mugdi. Intabadan guurka Soomaalida maanta joogta waxa uu udhacaa qaab kaduwan siyaabihii ay Soomaalidii hore uguursan jireen. Hadii aan si kale u iraahdo, qaab dhaqameedkii Soomaalidii hore ee guurka iyo kan maanta waxa udhaxeya farqi weyn oo aan aheyn mid qof ama labo ay islameeldhiggikaraan. Waayo, waayadii hore carruurta waxa ay ahaayeen dad ladhalay oo waaliddiintooda kafisha inay uguuriyaan ama ay usoo jeediyaan talo ah inay guursadaan dad ay waaliddiintu u arkaan inay kuhaboonyihiin inay nolol lawadaagaan carruurtooda. Balse Soomaalida maanta waxa ay haystaan caado dhaqameed aysan cidna lawadaagin. Dhaqanka reer galbeedka waxa uu qabaa in gabadha iyo wiilka ay yihiin xor ayna lawadaagi karaan nolol ama ay iskood uguursankaraan cidda ay doorbidaan. Halka dhaqanka Islaamigga uu dhiggayo inay gabadh iyo wiilba guursankaraan marka ay awoodaan lana tixgeliyo xurmada iyo karaameynta waaliddiinta dhashay wiilka ama gabadha labaduba. Inkastoo diinteenu sheegtay guur kan ugu wanaagsan iyo sidii looguursan lahaa.

Caado dhaqameedka “Guurka Soomaaliyeed” ee maanta sida dhabta ah uga diiwaangashan ama sida weyn looga tixgeliyo miyigga waxa looyaqaan, “Masaafe” oo macne ahaan ah in gabadh iyo wiil ay islafakadaan ama ay sidhuumaaleysi ah isusoo mehersadaan iyaga oo aan ogeysiin waaliddiintood iyo dadka masuulka ka ah midna. Caado dhaqameedkan oo si weyn looga yaqiinay miyigga ayaa maalmah dambe waxa uu noqday sifaha ugubadan ee guurka magaaloyin badan oo Soomaaliya kuyaala uu u dhaco. Masaafada waxa ay saldhig unoqotay qaabka dabiiciga ah ee guurka qoysaska Soomaaliyeed uu udhaco. Suaasha ay dadbadan isweydiiyaan ayaa waxa ay tahay: Diin ahaan ‘Masaafada’ ma banaantahay? Run ahaantii, jawaabta suaashan ilaa iyo hada culimada Soomaaliyeed meel cad iskama aysan taagin wallow ay jiraan culumo kusheegtay ‘Masaafada’ shey aan diinta Islaamka raad kulaheyn aysanna suurtgal aheyn in labo qof oo ajnabi kala ah ay meel cidla ah isku helaan. Waxaynu ognahay marka lagu kacayo falka ‘Masaafada’ waxa dhacda in lab iyo dheddig ay isu helaan fursad aysan cid lajoogin ama muxramka gabadha uusan meesha joogin. Mar walba oo ay waaliddiinta haweeneyda Muslimadda ah noolyihiin amaba ay jiraan dad wakiil ka ah gabadha waxa aad u adag in uu meher dhaco. Balse dadka Soomaaliyeed arintaasi wax weyn umay arkaan intooda badan. 60% guurka kadhaca dalka waxa uu udhacaa qaab ‘Masaafe’ ah halka 40% uu udhaco qaab kusaleysan diinta Islaamka iyo caado dhaqameedkii Soomaaliddii hore ee guurka. Furiinka ay sababaan reer-xiddidka waa uu siyaadayaa maalmahan dambe iyada oo ay ugu wacantahay guurka dalka kadhaca oo intiisa badan looqabanqaabiyo qaab kusaleysan ‘Masaafe’. Marka ay waaliddiinta lamaanayaal da’doodu yartahay doonayaan inay u xulaan lamaanayaal kuhaboon carruurtooda, carruurtoodana ay doonayaan lamaanayaal ay uarkaan inay yihiin kuwo kuhaboon balse aan farxadgelindoonin waaliddiintooda, Guurka ceynkan oo kale udhaca intabadan mawaaro. Waayo, waaliddiinta waa aassaaska ama udubdhexaadka nolosha carruurtooda.

Sidoo kale, waxa jirta maah maah Soomaaliyeed oo oraneysa: “Hanween nin kaligii maguursado ee waxa guursado qabiil” maah maahdan macnaheedu waa reerka uu kadhashay wiilka sida qoyskiisa (hooyadii, aabbahii iyo walaalahii) oo dhan waxa ay kadhiganyihiin inay qabaan gabadha waayo waxa ay leeyihiin awoodda ah inay marka ay u arkaan inaysan kuhabooneyn gabadha wiilkooda ay kafuraan. Sidkoo kale, marka wiilkooda uu u arko xaaskiisa inaysan kuhabooneyn inay noqoto carruurtiisa hooyadood, waaliddiintii iyo walaalihiis ay u arkaan inay tahay mid kuhaboon inay noqoto afada wiilkooda waxa ay intabadan ku adkeeyaan wiilka inuusan kudhaqaaqin furiin ama wax lamid ah. Sidoo kale, Soomaalida waxa ay ukala qolobanyihiin qabiil qabiil intabadanna waxa dhacda in qabaailada qaarkood ay iskudhacaan taasina ay sababto inay qoysas farabadan kukalatagaan. Tusaale ahaan, marka laba qabiil oo uu xeerka kalaguursigga kadhaxeeyo midkamid ah uu diido in uu bixiyo gabadh laga soodoonay, intabadan waxa dhacda in qoysas kale oo aan wax lug ah kulaheyn arintaas ay kuburburaan halkaa. Waayo Soomaalida waa dad aaminsan aargudashada sidaa darteed intabadan odayaal dhaqameed beegsanaya xeer uyiilay qabiilkood iyo qabiilka kabadha udiiday waxa ay kukacaan falal sababikara inay qoysas kale oo aan iyaga wax lug ah kulaheyn ay burburaan. Waayo, qabiilka gabadha loodiiday waxa ay intabadan sameeyaan inay kadabaakhtamaan arinta lagu sameeyay iyaga oo kasoo wata gabadh ama gabdhaha ay qabiilka kale kaqabaan ha ahaadaan kuwo carruur leh ama kuwo carruur la’aan intaba. Dhab ahaan, kaalinta ay reer xiddidka kadheelaan furiinka maaha mid yar ama lagu tilmaami karo inay sahlantahay. Baaxadda ay laegtahay saameynta uu kuyeelan karo qoysaska cusub iyo kuwii horay udhisnaa intaba way kaduwantahay midda ay hantida iyo carruurta kuleeyihiin. 

Doorka ay Gogasha Kacayaarto Furiinka 

Aniga oo taariikhda Soomaaliyeed dib u eegaya illaa iyo hada maanan arag dad wax kaqoray dhacdooyinka furiinka ee intabadan laxiriira gogosha. Hase ahaatee, waxa intabadan Soomaalida ay u aragtaa arinta gogosha mid aan kahadal laheyn. Waayo, Soomaalida maaha dhaqan ahaan dad isku hawla arimaha qoyska khaasatan tan gogosha. Waayadii hore waxa dhici jirtay in laceebsado hadii ay haweenay kasoo carooto qoyskeeda iyada oo kacabaneysa arimo laxiriira gogosha. Taariikh iyo dhaqan ahaanba Soomaalida waxa ay u arkaan arinta gogosha mid ay waxyeeladdeedu aad u yartahay. Waayo, waxa  wax laceebsado ama laqariibsado ku ah dhaqanka Soomaaliyeed in haweenay ay kasheegato ninkeeda iyada oo xooga saareysa arinta dhabta ah ee ay kacabaneyso oo ah tan gogosha. Way dhacdaa in lagu kaftamo ama lagu sheekeysto qoys ku kalatagay dhacdo laxiriirta gogosha balse illaa iyo hada dhacdooyin dhab ah oo muuqda majiraan. Bulsho walba oo caalamka kunool waxa laga helikaraa dhibaatooyin ceyn walba leh khaasatan kuwa laxiriira qoyska iyo furiinka. Tani macnaheedu waa, way jiri karaan dhibaatooyin dhanka furiinka ah oo laxiriira gogosha inay dalka kajiraan ama ay kasoo jirijireen. Dallal badan oo caalamka kamida waxa ay sanad walba sameyaan daraasaddo ay ku baarayaan baaxadda uu furiinka dalalkooda kadhaco la’egyahay. Halka dalkayaga uusan laheyn cid dabagasha ama baaritaan ceynkaa oo kale ah sameysa iyada oo ay ugu wacantahay dawlad la’aanta dalka kajirta.  

Waxa isweydiin mudan, “Hayadaha kahawlgala dalka miyeysan sameyn iskuday ay ku ogaanayaan dhibaatooyinka bulshada iyaga oo xooga saaraya arimaha laxiriira furiinka iyo sida uu udhaco?” Jawaabta suaashan waxa ay u muuqataa inaysan jirin iskudayo ay sameyeen hayaddaha dalka kahawlgala. Waayo, hayadaha waxa ay intabadan kusaleyaan shaqadooda (waxqabadkooda) hadba dalka ay kahawlgalaan dhaqanka uu heysto iyo aragtida uu kaqabo xaalladda ay doonayaan inay qulaaseeyaan. Waxa ayna u muuqataa inay meelmarinayaan siyaasaddooda ku aadan dalalka ay kahawlgalaan. Waayo, waxa jira dalal farabadan oo intabadan aan sameyn daraasado ay kuogaanayaan dhibaatooyinka furiinka ama laxiriira qoyska balse waxa jira hayado iyaga iskood isu xilqaamay oo baaritaan kusameeya iyaga oo eegaya dhaqanka dalalka ay kahawlgalaan. Sidoo kale waxa isweydiin mudan, “Arinta sababtay hayadaha dalka kahawlgala inaysan daraaseyn arimaha qoyska ama furiinka laxiriira?”. Dhab ahaan, way jiraan hayaddo iskudayo ceynkaa oo kale ah sameeyay sida UNICEF, UNDP iyo UNESCO. Balse majiraan qoraallo muuqda oo uu qof walba helikaro ama uu arkikaro oo kusaabsan arimaha qoyska ee ay wax kaqoreen. Sida aan kor ku sooxusay, hayadaha waxa ay leeyihiin sharciyo udegan oo ay kudhaqmaan marka ay kahawlgalayaan dal. Sharciyada waxa kamid ah inay qadariyaan dhaqanka dadyawga kunool meelaha ay kahawlgalaan. Sidaas darteed, hayadaha kahawlgala dalka Soomaaliya iskuma aysan taxluujin inay wax kaogaadaan furiinka dhabta ah ee kadhca dalka iyo sida uu udhaco iyada oo ay ugu wacantahay dhanqanka Soomaaliyeed oo meel adag kataagan ama iskataaga arimaha qoyska ama furiinka laxiriira. Hasayeeshee, iskudayada ay hayadaha illaa iyo hada sameeyeen ayaa ah kuwo aanan laorankarin waa kuwo wax ku awl ah. Hadii aan kunoqdo nuxurka mowduuca, gogosha waxa lagu tiriyaa waxyaabaha uguhoreeya ee ay qoys ama qoysas kukalatagi karaan. Hasayeeshee, qoysaska Soomaaliyeed uma ay arkaan in arinta gogosha ay waxyeelo ceynkaa ah kuyeelankarto jiritaanka qoyskooda. Aragtida ah in gogosha aysan wax saameyn ah kuyeelan intabadan burburka qoysaska Soomaaliyeed ayaa ah mid kusaleysan kudhaqanka diinta Islaamka iyo kudhagnaanta caado dhaqameedkii Soomaalidii hore wadanoolaanshaha. Soomaalidii hore waxa ay ahaayeen kuwo kusabra dhibaatooyinka soowajaha qoysaskooda ha ahaadaan kuwo laxiriira hantida iyo carruurta ama ha ahaadaan kuwo ay sababeen reer xiddidka iyo gogosha. 

Wanaajinta Guurka 

Wanaajinta guurka waa sheyga ugu muhiimsan ee ay dhisayaasha qoyska ubaahanyihiin inay xooga saaraan hadii ay doonayaan inay helaan qoys jiritaankiisu waaro. Run ahaantii, marka ladoonayo in lawanaajiyo guurka waxa loo maraa labo waddo: (b) Guurka kahor iyo (t) Guurka kadib. Hadii aan ku hormaro midda (b) guurka kahor, inta uusan guur dhicin kahor waxa aad u haboon in lahelo waaliddiin ama dad masuuliyiin ka ah lamaanayaasha isjecel ee doonaya inay wadaagaan nolol. Intabadan, waxa dhacda ama dhacday in qoysas farabadan oo Soomaali ah ay ku kalatageen ismaandhaaf kadhashay waalidiinta iyo ubbadkooda. Waayo, waaliddiintu waxa ay isu arkaan inay yihiin kuwo aad muhiim ugu ah guurka ubbadkooda marka ay dhacdo in carruurtooda ay guursadaan. Sidaas darteed, hadii aannan lahelin waaliddiin latalisa ubbadkooda si ay u helaan qof ay lawadaagi karaan nolashooda intakadhiman. Waxa aad u sareysa macquul ahaanshaha guurka lamaanayaal iskood isuguursaday ay kudambeeyaan furiin. Tani macnaheedu maaha hadii aan lahelin waaliddiin ama masuuliyiin aysan suuragal aheyn in guur dhaco, balse waxa dhacda mararka qaarkood in lamaanayaal iskood isudoortay ay kudambeeyaan furiin iyada oo intabadan ay sababto isfahandaro katimaada xagga waaliddiinta lamaanayaasha midkood.

Sida ay maah maah Soomaaliyeed oraneyso, “Gabar nin maguursadee Qabiilaa guursata”. Maah maahdan macnaheedu waa hadii nin uu guursado gabar waxa uu leeyahay dhaqashadeeda balse marka ay timaado in furiin uu dhaco ama ay ismaandhaafaan ninka gabadha qaba waxa uu talo ugu laabtaa waaliddiintiisa hadii ay noolyihiin, hadii aysan nooleenna waxa intabadan dhacda in qabiil uu dhex dhexaadiyo, sida caado dhaqameedyada Soomaalida ay qabaan.  Hadii aan gudagalo waddada labaad ee loomaro wanaajinta guurka (t) Guurka kadib, waxa dhacda in lamaanayaal horay isu aaminay ay kala aamin baxaan ama midkood uu midka kale kalakulmo dhaqammo uusan horay uggaga barran.

Marka ugu horaysa ee ay lamaanayaasha isdoortay kujiraan shukaansiga waxa ay isu arkaan inay noqon doonaan kuwo aan waligood dirir dhexmaridoonin balse marka ay dhaco in dirir ama ismaandhaaf uu soo kala dhexgalo guurka kadib waxa ay kunoqonaysa arin ay qariibsadaan labaduba. Waayo, marka lagujiro wajiga hore ee guurka oo ah shukaansiga, wax walba waxa ay umuuqdaan inay fududyihiin balse marka faraha lalagallo ayaa intabadan la’ogaadaa dhab ahaan inay fududyihiin iyo inkale.

Wax walba uma ay fududa sida ay umuuqdaan laakiin marka iskuday lasameeyo ayaa waxa la’ogaankaraa inay sahlanyihiin iyo inay culaabtooda leeyihiin intaba. Hadaba, marka aynu kahadlayno arinta “guurka”, wajiga hore ee guurka waa uu sahlanyahay. Waayo, lamaanayaashu waxa ay isu arkaan inaysan waligood is khilaafi doonin. Balse arintu sidaa maaha, sida ay aragti (theory) oranayso, “Khilaafku waxa uu dhacaa marka ay timaado in wax lawadaago, waxa lawadaagayanna ay yihiin ‘gabawsi’ wax yar.” Waxa aynu kafahmikarnaa aragtidan in lamaanayaasha ay yihiin kuwo kuhawlan ‘wax-wadaag’, sidaasi darteed, marka ay lamaanayaal isuxiisaqaba ay dhistaan hoygooda ay ugu talagaleen inay kudhameystaan inta kadhiman nolashooda wadajir iyo isxushmeyn labada dhan ah. Waxa dhacda in misena ay si lamafillaan ah kukalatagaan. Hadaba, maxaa sababa arimaha ceynkan oo kale ah? Jawaabta suaashan laguma sookoobi karo aragti qof ama labo ay kaqabaan arintan. Balse waxa ay ubaahantahay daraaseyn dheer, waqti iyo tamar in lagubixiyo. Sidoo kale, kaashigga diinta Islaamka waxa ay kaqabto arintan iyadanu waxa ay tahay mid muhiim ah. Waayo sida aynu ogsoonahayba, saxaabiggii la’oranjiray Aabii Dari, waxa uu kuladardaarmay afadiisii inay dejiso marka uu xanaaqo, isna uu falidoono sidookale marka ay u carooto afadiisa. Waxa aynu kafahmikarnaa dhacdadan diinigga ah in caradda ay tahay waxa ugu horeeya ee keenikara furiinka I.W.M. Sidaasi darteed, marka aan sikooban u iraahdo jawaabta suaashu waa, ‘dulqaad’ ay isudulqaataan lamaanayaashu hadii ay doonayaan inay sii joogteeyaan wada noolaashahooda.  

Dulqaadku waxa uu gaarsiiyaa lamaanayaasha in ay awood u yeeshaan inaysan kukicin fal deg deg ah, sida furiin I.W.M.. Xadiis kasugnaaday Nabigeena (S.C.W) waxa uu oranayaa, “Kan adag ma’ahan kan lagdinta badan, ee waa kan naftiisa  hanta markuu caroodoWaxaa wariyey Abuu Daa’uud iyo Tarmadi”. Waxa aynu kafahmikarnaa macnaha Xadiiskan inay lamaanayaasha kabadbadikaraan furiinka sababdarada kuyimaada hadii ay noqdaan kuwo isu caqliceliya ee xakameeya caradooda. Sidoo kale, Xadiis kale oo kasugnaaday Nabigeena (S.C.W.) waxa uu oranayaa, “(Ilaahay ka baq meel aad joogtoba, Raaci xumaantana wanaag way tirtiraysaa, dadkana kula dhaqan dabeecad wanaagsan)Waxaa wariyey Tarmadi, waana xadiith xasan ah, meelaha qaarna waa xasanu saxiix”. Hadaba, waxa aynu Xadiiskan kafahmi karnaa in ay muhiim tahay in lamaanayaasha ay iskula dhaqmaan dabeecad tan ugu wanaagsan waayo, hadii laga helo dabeecad wanaagsan labadooduba ama midkood waxa sareysa suuragalnimada in midkood midka kale uu u caqliceliyo taas oo ah midda ugu mihiimsan ee udub-dhexaadka u ah wadanoolaashahooda. Had iyo dan, hadii aynu doonayno inaynu wanaajino guurkayaga, kahor inta uusan dhicin iyo kadib marka uu dhaco intaba waxaa si aad iyo aad inoo caawin kara Axaadiista Nabageena (N.N.K.H.) oo kala ahaa:

  1. Haweenayda waxaa loo guursadaa afar sababoodb) Diin, t) Nasabiyad, j) Maal, iyo x) Qurux. (yacni afar sababood ayaa ragga ku kallifa inay haweenay doortaan) Maalkeeda, magac waynida Qoyskeeda, Quruxdeeda iyo Diinteeda. Hadaba ku guulayso inaad hesho tan diinta leh gacantaadu boorowdaye (ku dooro diinteeda faqri lagu badyaye). “waa hadal habaar u eg laakiin aan loo la jeedin habaar waa sida ( bi’i waaye) oo kale. Waxaa soo saaray xadiithkaan Al-bukhaari, Muslim, Abuu da’uud, Annisaa’i, Ibn maajah kulligood waxay ka wariyeen Abuu hureyra. kafiiri Almishkaatul Masaabiix 3082 Mukhtasaru Muslim 798.
  2. (Khiyaarukum khiyaarukum linisaa’ihim ama li ahlihi) Kuwa idiinku sharafta badani waa kuwa idiinku roon haweenkooda.waxaa soo saaray Al-imamu Axmad, Tarmadi, Ibn xibbaan waxay ka wariyeen Abuu hurayre. Sidoo kale Ibn maajib can Ibnu cumar riwaayada oranaysa (Li ahlihi)waxaa soo saaray Dabaraani mucjamkiisa wayn can abii kabsha.Kafiiri Atarqiib watarhiib Juzka 3 safxada 72 sidoo kale Silsilada saxiixada 285.

Waxaa kaloo jira lafdi kale oo oranaya (khayrukum Khayrukum Li ahlihi Wa annaa khayrukum Li ahlii) Kan idiinku fiican waa kan xaaskiisa idiinku fiican, anigaana xaaskiisa idiinku fiican,waxaa soo saaray Tirmidi can Caa’isha Ibn Maajih can Ibn cabbaas Dabaraani Mucjamka wayn can Mucaawiya. Kafiiri Silsilada saxiixada 285.

Xadiiska 1aad waxa uu kahadlayaa guurka inta uusan dhicin kahor halka Xadiiska 2aad uu inoo sheegayo siyaabaha ugu wanaagsan ee loowanaajiyo guurka marka uu dhaco kadib. 

Axmed Qaasim Faarax.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>