GEERIDDA ABWAAN SANGUB OO LA XAQIIJIYEY.

Iyadoo dhowrkii saacadood ee la soo dhaafay la hadal hayay Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub) oo arrimo Cumro loogu waday dalka Sacuudiga, hase yeeshee waxaa soo laabashadiisa si lama filaan ah looga dajiyey magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya halkaasoo subaxnimadii hore ee saakay ku naf waayay.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehelada Marxuumka waxaa abwaanka dalka Itoobiya loo geeyey arrimo la xirriira caafimaadkiisa oo aad u liitay, balse saakay uu isbitaal ku yaala magaaladaasi ku dhintay.

Marxuum Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta iyo abwaanada hoboladii Waabari isagoo sameeyey Heeso fara badan iyo ruwaayado qiimo weyn u lahaa ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna ka mid ahaa Abwaanada kuwooda loogu jecel yahay guud ahaan dhulka Soomaalida.

Taariikhdiisa oo kooban: Abwaanka waxa uu sanadkii 1944-tii ku dhashay magaalada Dhagaxbuur ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo fanka soo galay isagoo aad u da’yar, wuxuuna ka soo bilaabay dhanka ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, dhaantada, gabay sameenta ilaa markii dambe oo mehnad sare ka gaaray curinta ruwaayada iyo heesaha taasoo sababtay inuu noqdo Abwaanka ugu caansan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>