GEERI NAXDIN BADAN OO MAGAALADA HARGEYSA KA DHACDAY!!.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay Magaalada ay ku geeriyoodeen Saddex Caruur ah oo Walaalo ahaa.

Shilka waxa uu ka dhacay Xaafada Masalaha ee dhacda Koofurta Hargeysa, waxaana Dhaawac daran oo soo gaaray Isbitaalka weyn loola Cararay Caruurtii uu jiiray Gaariga Candha Meydlaha ah ee lagu qaato Alaabaha Bagaashka ee Goobaha Ganacsiga la geeyo.

Goob Joogayaal ayaa soo sheegay in shilka oo dhacay Abaara Sagaalkii Subaxnimo ee Saaka ay mar qura geeriyoodeen Saddexda Walaalaha ahaa oo lala tacaalayay Xaaladooda Caafimaad.

Caruurta Geeriyootay ayaa da’doodu kala eheyd, 13 Jir, 15 Jir iyo 20 Jir, Waxaana markii danbe goobta deg deg ugaaray Ciidamada amniga, kuwaasoo gacanta ku soo dhigay Wadihii gaariga shilka geystay, kaa soo lagu hayo Xarumaha Baarista ee Ciidamada amniga.

Caruurta geeriyootay ayaa kala ahaa Gabar 20 Jir ah iyo laba Wiil, Kuwaasoo dhawaan uun ay geeriyootay Hooyada Dhashay.

Si Kastaba, Somaliland ayaa Ciidamo dheeraad ah ku soo daadisay Wadooyinka waaweyn iyo Suuqyada Magaalada Hargeysa, si ay u sugaan amniga inta ka harsan Bisha Ramadaan iyo Maalmaha Ciida.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

279 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>