GABDHO SOOMAALI AH OO AMAR LA DUL DHIGAY KADIB MARKII LAGA SOO BADBAADIYAY GUUR LAGU QASBAY

Gabdho Soomaaliyeed oo la geeyay Dugsiyo ku yaala gudaha dalka  Soomaaliya si loogu diyaariyo guur khasab ah ayaa dib loo soo badbaadiyay.

Sida uu daabacay Wargeyska The Times  7 gabdhood oo dhibanayaal u ahaa guur lagu qasbay  ayaa dib loogu soo celiyay dalka Ingiriiska sannadkii 2017-kii.

Gabdhahaas oo ay da’doodu u dhexeyso 17 ilaa 22-jir ayuu wargeysku sheegay in la soo badbaadiyay, laguna soo celiyey dalka Britain.

Wargeyska The Times waxa kale oo uu qoray in gabdhahaasi da’da yar ee lagu soo celiyey Britain  khasab looga dhigay  inay bixiyaan Kharajka ku baxay Safarkooda soo-celinta ahaa.

4 Haween oo Somali-British ah oo laga soo badbaadiyey Dugsiyo ku yaala Soomaaliya ayaa waxaa loo sheegay inay mid kasta bixiso lacag dhan 740 Giniga Ingiriiska oo u dhiganta 940 Dollar ama 820 Euro.

Gabdhaha dhibanayaasha ee dib loogu celiyey dalka Britain waxaa loo sheegay inay dib u bixiyaan kharajkooda duullimaadka, cuntadda iyo hoyga.

Gabdhahaasi qaar ka mid ah ee aan kharajka iska bixin karin waxaa loo sheegay inay si degdeg ah ugu saxiixaan Xafiiska Arrimaha dibadda ee Britain heshiisyo amaaheed oo looga bixinayo kharajka lagu soo dallacay.

Dhinaca kale, Wargeyska The Times waxa uu qoray in gabdhaha Somali-British-ka ee la soo badbaadiyey la soo helay iyagoo ku jira Dugsiyo dhaqan-celin ah oo ku yaala gudaha Soomaaliya, waa sida uu Wargeysku hadalka u dhigay.

Jaalliyadaha Soomaalida ee ku nool dalka Britain weli kama aysan hadlin dhacdooyinkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii, dalka Britain waxa dembi ka noqday Ggurka khasabka, iyadoo qofkii lagu helo inuu ka dambeeyo falalkaasi uu muteysan doono xabsi  7-sanno ah.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>