GABAR SHEEGTAY INAY DIINTA ISLAAMKA KA BAXDAY OO KA WELWELSAN IN LA DILO

Gabar da’yar oo u dhalatay dalka Sucuudi Carabiya ayaa  sheegtay inay ku xayiran tahay gegida diyaaradaha ee Bangkok, kaddib markii ay ka soo baxsatay qoyskeeda, baasaboorkeedana uu gacanta ku dhigay sarkaal Sucuudi ah.

Raxaaf Maxamed al-Qunun ayaa sheegtay in markii ay soo baxsanaysay labo maalmood kahor ay qoyskeeda u soo raacday safar ay ku tageen dalka Kuwayt, iyadoo isku dayaysay inay gaarto dalka Australia.

Raxaaf ayaa sheegtay inay isaga baxday diinta Islaamka, sidaas daraadeedna ay ka cabsi qabto in si xoog ah loogu celiyo dalka Sucuudi Carabiya deetana ay qoyskeeda dilaan.

Majar Janaraal Surachate Hakparn oo ka tirsan booliska Thailand ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhaasi yar ay ka cararaysay guur, waxayna xustay in booliska ay u diideen inay gudaha u gasho Thailand sababtoo ah ma aanay haysan dal ku gal gudaha loogu fasixi karo.

waxa kale oo ay sheegtay in la wado qorshe looga shaqeynayo habkii  dib loogu celin lahaa diyaaraddii ay Kuwayt ka soo qaadatay ee Kuwait Airlines.

Ms Maxamed al-Qunu ayaa waxaa la soo dersay cabsi iyo welwel, waxayna sheegaysaa inay haysato dal ku gal Australia ah hasa yeeshee baasaboorkeedii uu gacanta kaga dhigay diblumaasi Sucuudi ah kaas oo ay la kulantay markii ay diyaaradda ka soo dagaysay.

Ms. Maxamed al-Qunun ayaa xaaladda haysata waxa ay dadka kula wadaagtay barta Twitter-ka, iyadoo sheegtay: “Maadaama aananay waxba gacan ku hayn ay haatan doonayso inay la wadaagto magaceeda dhabta ah iyo dhammaan xogteeda.

“Waxaan xogteyda idinla qeybsanayaa waxa weeye inaad ogaataan inaan ahay qof jiro oo dhab ah, waxaan ka cabsanayaa in qoyskeyga ay i dili doonaan.” ayay tiri.

Kiiskan ayaa waxa uu u eg yahay kiiska Gabar kale oo Sucuudiyad ah oo lagu magacaabo Dina Cali Lasloom taas 24-sano jir ah oo bishii Abriil ee 2017 iyadoo ku sii socotay waddanka Australia dib loogu celiyay dalka Sucuudi Carabiya iyadoo qoyskeeda ay ka soo dhoofiyeen garoonka diyaaradaha ee Manila.

Waxa ay isticmaashay taleefanka qof Kanada u dhashay oo dalxiise ah si ay farriin u dirto iyo muuqaal la soo dhigay barta Twitter-ka, iyadoo leh qoyska ayey suuragal tahay inay I dilaan.

Sida uu xaalkeeda yahay ma ay jirto cid war ka haysa tan iyo markii ay gaartay dalka Sucuudi Carabiya.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>