GABAR DOONAYSAY INAY SI FUDUD KU SOO CAAN BAXDO OO XABSI LA DHIGAY(SAWIRRO)

Gabar 18-sano jir ah oo fal ay samaysay daqiiqado gudahood caan kaga noqotay baraha bulshada gaar ahaan barta Instagram ayaa xabsi la dhigay.

gabadhan oo u dhlatay dalka Iiraan ayaa la xiray, kadib markii ay bartaasi ku baahisay muuqaalo ay dhibsadeen kana caroodeen shacabka iyo dowladda Iiraan.

Maedeh Hojabri ayaa barteeda Instagram soo dhigtay muuqaalo badan iyada oo  xiran funaanad iyo Surwaal, isla markaana ciyaareysa ciyaaraha dalkeeda iyo sidoo kale ciyaaraha loo yaqaan khoob ka ciyaarka ee laga dheelo wadamada Reer Galbeedka.

Muuqaal laga baahiyay Telefishinka dalka Iiraan ayaa lagu sheegay in gabadhan ay baahisay muuqaalo sumcad xumo ah oo niyad jab ku riday dadka Iiraan, waxa ayna gabadhaasi ku tilmaameen in ay dooneysay in ay caan noqoto.

Booliiska Iiraan ayaa dabagal dheer waxa ay aqoonsadeen xabsigana dhigeen gabadhan muuqaalada ku baahisay baraha bulshada, waxa ay sidoo kale booliiska hawada ka saareen barteeda  Instagram iyo baro kale oo magaceeda lagu sameystay.

Baraha bulshada ayaa taageero badan loogu muujiyay gabadhan ay xireen booliiska Iiraan, waxaana dhalinaro badan sameeyeen astaan gabadhaasi ku taageerayaan iyaga oo soo qorayay khoob ka ciyaarka dambi maahan.

Dalka Iiraan waxaa ka jira sharciyo adag oo dhinaca haweenka aad u khuseeya, waxaana laga ogoleyn in haweenka dalkaasi ay jirkooda qaawiyaan sidoo kale baraha bulshada ku baahiyaan muuqaalo anshax xumo ah.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

534 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>