GABAR DA’YAR OO QORSHEYNAYSAY DILKA MADAXWEYNIHII MAREYKANKA OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAY

Gabar yar oo la sheegay in ay qorsheynaysay in ay disho madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barack Obama ayaa maxkamad la soo taagay.

Gabadhan oo 18 sano jir ah ayaa lagu magacaabaa Safaa Boular, waxaana la sheegay in ay duufsadeen kooxda Daacish, iyadoo si joogto marka ay asxaabteeda qadka kula sheekeysanayso sheegi jirtay in ay doonayso inay disho Madaxweyne Obama.

Maxkamadda ayaa laga hor sheegay in Nin ay kala xiriiri jirtay Suuriya uu weydiiyay su’aal ah sifada ay ku dili karto Obama, kadibna ay u dirtay sawir qarax.

Gabadha oo ku nool Koonfurta magaalada London ee dalka Ingiriiska  ayaa beenisay eedeymahaa loo soo jeediyay oo ahaa argagixisnimo.

Garyaqaankeeda u doodaya ayaa sheegay in gabadhan uu tashkiiliyay Nin saaxiibkeed ah oo horey loo duufsaday.

Xeer illaaliye Duncan Atkinson ayaa sheegay in gabadhan ay 17 jir ahayd markii ay qoraaladan direysay iyada oo la sheekeysanaysay mintidiinta Daacish.

Gabadhan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay qorsheynaysay in ay qaado weeraro loo adeegsado garneelo gudaha dalka Ingiriiska.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>