GABAR BISADI KA BAKHTISAY OO DHALIIL U JEEDISAY WASAARADDA XANAANADA XOOLAHA

Gabar Soomaaliyeed oo lahayd bisad ay aad u jeclayd ayaa Bisadii carruur dhagax kaga dhifteen kadibna lugta ka jabtay, waxayna aad uga murugootay Bosadda ka xanuunsanaysa.

Gabadhaas oo lagu magacaabo Ruun Cali Cabdi ayaa waxay ku nooshahay magaalada Qardho ee dalka Soomaaliya waxayna aad ugu dadaashay sidii ay u heli lahayd cid u kabta bisadda, balse kuma aanay guulaysan, xitaa waxay xiriir la samaysay wasaaradda xanaannada xoolaha ee magaalada Qardho balse kama aanay helin wax caawinaad ah.

Muddo kadib Bosaddii waa ay ka bakhtisay, waxayna sheekada Ruun iyo bisaddeeda hadal hayn weyn ka dhalisay baraha ay ku wada xiriiraan bulshada Soomaaliyeed, waxayna dadka qaar ay ku tilmaameen “qof waalan oo magac raadis ah.”

“Bisaddeydu xitaa hilibka cayriinka ah ma aanay cuni jirin, oo waxaan u soo iibin jiray buskud iyo caano,” ayay tiri Ruun, balse gabadhan oo baratay culuunta caafimaadka dadweynaha ayaa ku doodaysa in haddii ay Soomaalidu u naxariistaan xayawaanka ay markaa heli karaan nabad.

 

Ruun ayaa sheegtay in hadda kahor ay ka xanuunsatay bisadda, kadibna ay la xiriirtay dhakhtar xayawaanka qaabilsan oo ku nool Masar, kaasoo kula taliyay dawada ku haboon bisadda.

Waxa ay Ruun sheegtay in ay rajeynayso in mustaqbalka ay furto goob ay ku xanaaneyso bisadaha, ayna diyaar u tahay inay raadsato bisad kale maadaama ay ka dhimatay tii ay jeclayd, kuwo kale oo badana ay xanaanno u samayso.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>