GABAR MAS YAR KORSATAY OO ARRIN CAJIIB AH KALA KULANTAY

Gabar da’ yar ayaa meel waddo ah ka heshay Mas yar oo gaajeysan, kadib maskii ayay waddada ka soo qaaday, waxayna keensatay gurigeeda, kadib maskii ayay wuxuu cuno siisay olo korisay.

Maskii yaraa iyo gabadhii waxa ay noqdeen saaxiibo, aad ayuuna maskii u jeclaaday gabadhan yar ee dhaqaalaynayso, mar walibana hoosta ayuu ka soo geli jiray oo xitaa habeenkii wuu la seexan jiray.

Muddo kadib maskii yaraa waa uu weynaaday oo wuxuu isku bedelay Mas aad u weyn oo gabadha u ah waardiye khaas ah oo meel kasta oo ay aadeyso wuu u raaci jirey, sidoo kale habeenkii garabkeeda ayuu seexan jirey si uu diiranaan (kuleyl) uga helo.

Intaa kadib maskii ayaa bilaabay inuu cunadii ay siin jirtay gabadha uu iska diido, aad ayayna ula yaabtay, maadaama Maska oo ay u jecayd uu cuntadii ka diidey, waxayna ka baqday inuu baahi  u dhinto.

Marka laga reebo cuntada uu iska diiday,  wuxuu bilaabey inuu aad ugu dhowaado gabadha oo habeenkii xitaa uu hoosta ka galo oo uu isku xqqo si uu diiranaan iyo kulayl uga helo.

Gabadhii arrinkan aad ayay ula yaabtay, iyadoo walwalka ay ka qabto uu ahaa inuu maskeeda baahi u dhinto.

Ugu dambeyn waxa ay gabadha  go’aansatey inay dhakhtarka xayawaanada u tagto, si ay u ogaato cilada haysata Maska.

Dhakhtarka ayaa weydiiyay gabadha “Maska ma adigaa korsaday mise isagoo weyn baad heshay?

Gabadhii ayaa ku jawaabtey “Isagoo yar baan korsaday”
Dhakhtarki ayaa weydiiyey “Habeenkii agtaada miyuu seexdaa?
Gabadhii ayaa ku jawaabtey “Haa oo xitaa meel kasta ayuu ii raacaa”

Dhakhtarki ayaa mar kale weydiiyey “Intuu cuntada iska diiday dabeecaddii aad ku ogeyd ma sii wanaagsanaaday oo habeenkii ma isku kaa duubaa si uu diiranaan kaaga helo?”
Gabadhii oo yaaban siduu dhakhtarka u fahmay ayay tiri “Haa weliba aad ayuu iigu soo dhawaada anna subaxdii anoo ka cabsanaya inuu baahi u dhinto ayaan cunto u keenaa, balse mar kasta wuu iga diidaa”.

Dhakhtarki oo qoslaya sidoo kalena walwal uu ka muuqdo ayaa gabadhii ku yiri “Waan ogaadey cilada maska haysata”

Haddaad doonayso sheekadaan oo dhameystiran mar waliba la soco boggan Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>