WAALIDIIN KA WALAACSAN GABAR 7-SANO JIR AH MUDDO BIL AH KA MAQAN.

Magaaladda Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya waxaa ku soo badanaya Carruurta la waayo, iyadoo qaarkood la helo meydadkooda, waxaana dhacdadii ugu dambeysay wiil 12-jir ah Meydkiisa laga helay todobaadkii tagay xaafad ka mid ah Degmada Hodon ee Magaaladda Muqdisho.

Gabadhan 7-sano jirka ah ayaa dhiganaysay dugsi Qur’aan ku dhow xaafadeeda oo ku yaala Degmada Huriwaa ee Magaaladda Muqdisho, waxaana la waayay xili fardambadkii dugsiga ay ku laabatay muddo haatan laga joogo bil, sida inoo sheegtay qof ka mid ah eheladda gabadhaasi.

Waalidiinta gabadha yar ee mudada bilka ku dhow la la’yahay ayaa ka walaacsan xaaladda ay ku sugan tahay gabadhooda oo aysan nolol iyo geeri midna ku heyn.

Magaaladda Muqdisho oo ay ka jirto xaalad amaan xumi ayaa haddana waxaa soo kordhaya carruurta la xado, halka qaarkood muddo kadib meydadkooda laga helo xaafado lagu xooro, lamana oga cida ficiladaasi foosha xun ka dambeysa, sidoo kale ma jirto dad loo soo qabtay dhibaatooyin ay u geysteen carruur yar yar magaalada Muqdisho.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>