GABADHAADA JUJUUBKA KA DAA…!!

Guurka oo ah mid sharci ah oo uu baneeyey Allihii ina abuurey, ayaa sidoo kalena ah Midka Saldhiga u ah taranka ay Sameynayaan dadka dunida ku soo kordhaya, Guurku waa Raxmad, Naruuro iyo Nasteexo lagu nagaado oo uu Alle noogu deeqay waxa uuna mudanyahay Xushmad iyo Sharaf iyada oo laga ilaalinayo Waxa Dhaawici kara ama burburka u keenaya Qoysaska ku guuleystey in ay Guri yagleelaan.

Guurku ma galo qasab iyo in Gabadha si jajuub ah Gacanta loogu galiyo ninka iyada oo dhinac dhaqaale iyo Xilka uu hayo laga eegayo.

Dad waxaa jira Caado u leh in ay Gabdhaha ka baayac mushtaraan oo kolba qofkii xil qabta la hoos orda oo u guuriya.

Kuwaas oo si Indho la’aan ah ugu gacan galiya gabadha qof ayna aqoon u laheyn Dabeecadiisa iyo dhaqanka uu leeyahay , taasina ay aakhirka keento isfahan daro xataa Saameyn xun ku yeelata Odeyga gabadha dhaley iyo Masuulka oo guurka ka hor xiriir fiican lahaa, halkaana ay ka bilaabato colaad iyo Cadawtooyo keenta in Salaanta Xataa la iska qaadi waayo.

Cabdinaasir Xasan oo ah nin Bulshada ku dhex milan ayaa sheegey in uu aqoon u leeyahay Odey gabadh uu dhaley u guuriyey dhowr nin oo xil hayey kaas oo marka Xilka laga qaadana ka furta.

Sida uu Cabdinaasir noo xaqiijiyey Gabdhaha ragga Xilka dartii loogu darayo ma aha kuwo raali ka ah ee Waxaa ku Qasba Aabaha oo gacanta u galiya iyada oo Oyneysa,
Dhinaca kale Gabdho waxaa jira islamarkiiba la soo furo, oo lagu soo Celiyo gurigooda kadib markii ay isfahan daro dhex marto labada qof ee isku Cusub maadama ayna dabeecad ahaan aqoon isu laheyn.

Nasro Cismaan Maxamed (Baxnaan) Waa gabar aqoonyahanad ah, waxa ayna qabtaa in gabdhaha loo daayo Dookhooda oo aan la jajuubin islamarkaana aan loo guurin nin ayna rabin waxa ayna tiri

” Waalidku waa in ay tixgeliyaan rabitaanka Ubbadkooda ee ma aha in ay fiirsadaan danahooda gaarka ah, iyaga oo raacaya jeeb iyo lacag ama Sida uu ninku u Dhaqaale buuran yahay”

Waxaa baryahan dambe soo batey Gabdho garoob ah oo Waalidkood Guriga u jooga kadib markii ay Soo fureen rag guurkoodu uu Waalidkood la hoos ordey, kuwaas oo Halkudhig ka dhigtey XADDII UU XIL HAAYO WAA IN AAN LA XIDDIDAA!!
Balse waxa haboon in Mustaqbalka Cunugaaga iyo Aayihiisa dambe laga Fikiro intii guur Qasab ah oo degdeg ah qoorta loo galin lahaa..sidoo kalena …waxaana la yiri Geedkii Orod lagu Koro Orad ayaa Looga Soo Degaa.

W/Q: Maxamed Faarax Duurgal

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>