ERAYO XAASKAAGA AY KUGU JECLAAN KARTO

Erayo macaan oo haddii aad ku tiraahdo xaaskaada ay aad kuu jeclaanayso ayaanu akhristayaal idiin soo gudbineynaa, waxaana muhim ah in mar kasta aad xaaskaada erayo macaan ku tiraahdo.

1. Waxaan jeclahay dhoola caddeyntaada, codkaaga, jirkaaga, qosolkaaga, indhahaaga, balse gebi dhammaan adiga ayaan ku jeclahay.

2. Wax walbo oo aad tahay ayaan kugu jeclahay, waxaad ahayd iyo waxaad noqon doontid, waqtigaan la joogo, waqtiyadii la soo dhaafay iyo mustaqbalka… adiga ayaana kuu joogaa.

3.  Waxaan jeclahay gacmahaaga marka ay i taabtaan, waxaan jeclahay faruuryahaaga marka ay i shumiyaan, waan jeclahay hadaladaada, weligeyna waxaan dareemaa jacaylkaaga.

4.  Ka fekerkaaga wuu i soo jeediyaa, ku riyoontaada waan ku hurdaa, la joogaaga wuu i nooleeyaa.

5.  Waxaan la ashqaraaraa muuqaalkaada qurxoon, marka aan  ku soo eego waan farxaa, ma ahan kaliya muuqaalkaaga balse xaqiiqda ah in wax kasta oo aan rabay inay i horjoogaan iyagoo saxan.

6.  Inaan maalin walba kasoo tooso dhinacaaga, waa riyooyinkeyga oo dhammeystirmay, wax walba iyo si walba  ayaan kugu jeclahay.

7.  Ogaanshaha inaan helay qofkii nolosha aan la wadaagayay waxay ka dhigtaa nolosheyda mid dhammeystiran.

8.  Qoraxdu waxay iftiintaa maalintii, dayaxana wuxuu iftiimaa habeenkii, balse adigu waxaad iftiimisay nolosheyda waqti kasta.

9.  Waan kuu xiisaa marka aanan kula joogin…. marka aan kula joogana waad i farax gelisaa.

10.  Mar kasta adiga ayaan kaa fekeraa… mar kasta oo aad niyaddeyda ku soo dhacdana waxan doonayaa inaan kula joogo.

11.  Waxaan arkay inaad tahay shaqsiyad aad u wanaagsan,  waana middaas midda aan kugu jeclaaday.

12.  Waxaan jacayl kuu qaaday marar badan … mar kastana adigaan ku jeclahay.

13.  Jacayl xad dhaaf ayaan mar kale iyo mar walba oo aan ku arko kuu qaadaa.

14.  Waxaad mudan tahay in lagu siiyo dunida oo dhan, balse kuma siin karo waxa kaliya ee aan ku sii karo waa jacayl.

15.  Ma soo koobi karo ammaantaada, markii aan ku helay ayaana xaqiiqsaday inaad aad u nasiib badanahay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>