GABADH 15-JIR AH OO AYEYDEED SUN KU DISHAY

Gabadh yar oo da’adeeda lagu qiyaasay 15 sano jir ayaa ayeeyadeed Hooyadeed dhashay oo ay ku wada noolaayeen deegaanka Goobweyn habeenkii xalay ahaa sun ku dishay.

Gabadha oo  lagu magacaabo Naciimo Bashiir  ayaa ayeeyadeed lagu magacaabi jiray Dahabo Maxamed, waxayna raashinkii cashada ay ugu dartay Sun, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha deegaanka goobwyen Cumar Cabdullaahi Maxamed.

Dadka deriska la ah ayaa  sheegay in sababta ay gabadha ayeeyadeed Suta u siisay ay tahay in ay ku qeylisay ama ay canaanatay taasoo keentay in cashada ay sun ugu darto, isla markaana ay ayeeyadii goobta ku geeriyooto.

Gabadha ayaa sheegtay in sunta ay ka soo  iibisay goob ganacsi oo ku taalla deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubabda Hoose, waxaana sida la sheegay ay suntan aheyd midda loo Isticmaallo beeraha ee lagu dilo cayayaanka.

Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa gaaray deegaanka Goobweyn, waxaana ay soo qaadeen Meydkii, iyaga oo gacanta ku soo dhigay gabadhii Sunta ku dishay ayeeyadeed.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>