FAAH-FAAHIN: DAB CAAWA KA KACAY SUUQA BAKAARAHA.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Dab khasaare Hantiyadeed geystay oo abaare 09:40 daqiiqo ee caawa ka kacay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, dabkaan ayaa markii hore ka kacay guri ku yaalla Suuqa Dahabka lagu iibiyo, wuxuuna ku faafay qeybo kamid ah Suuqa.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa sheegay in dabka uu burburiyay dhismooyin carwooyin u badan kuwaasi oo ku yaalay Gudaha Suuqa.

Dhanka kale Gaadiidka Dab damiska oo gaaray goobta uu dabka ka kacay ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka, waxaana amniga suuqa sugayay Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn Soomaaliya ayaa dhowr jeer gubtay, waxaana inta badan loo sababeeyaa cilad dhanka Korontadda ah.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>