ERDOGAN OO MALXIIS KA AHAA AROOSKA OZIL.

Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa mixiis ka ahaa arooska ciyaaryahanka kubadda cagta ee Jarmalka ah Mesut Ozil oo Jimcihii dhacay.

Ozil oo isirkiisu yahay Turki ayaa tartankii Koobka Adduunka ee kal hore ka hor mar uu baahiyey sawirro uu la galahay Erdogan waxa ka dhashay cadho xamaasad leh.

Ka dibna waxa uu iska casilay xulka qaranka isaga oo ku sababeeyey “cunsurinimo iyo ixtiraam darro” lagula kacay markii sawiradaa lagu baahiyey Jarmalka.

Mesut oo haatan 30 jir ah ayaa xafladda arooska uu kula aqal galay gabadhii u doonanayd oo mar noqotay haweenayda ku guulaystatay quruxda Turkiga oo la yidhaa Amine Gulse, waxa uu ka dhacay hudheel kuwa raaxada ah oo ku yaal xeelliga marin biyoodka Bosphorus oo ah gacan kala qaybiya qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Lamaanahani waxay markii ugu horraysay is barteen sannadkii 2017-kii waxaanay bishii Juun ee 2018-kii shaaciyeen in ay isguursanayaan.

Helge Braun oo ah agaasimaha xafiiska ra’isal wasaare Angela Merkel ayaa isla markaa waxay wargeyska Bild u sheegtay in “qof kastaa dhibsaday” in Ozil go’aan noocaas ah gaadho, weliba marka la eego sidii looga falceliyey kulankii uu sannadkii hore la yeeshay madaxweynaha Turkiga.

Erdogan ayaa sidoo kale la sheegaa in had iyo goor uu ka qayb galo asroosyada shakhsiyaadka caanka ah ee Turkiga ka dhaca, gaar ahaan marka ololaha doorashooyinku socdaan.

Ka qayb galkiisa arooska Ozil wuxu ku soo beegmay ka hor doorashada ku celiska ah ee duqa magaalada Istanbul. Natiijadii markii hore soo baxday ayaa musharaxii xisbigiisa AKP codad aan badnayn lagaga guulaystay, hase yeeshee waa la buriyey waxaanay taasi dhalisay dhaleecayn dunida kaga timaad.

Ozil oo ah jiilkii saddexaad ee dad Turki ah oo Jarmal noqday waxa uu ku dhashay magaalada Gelsenkirchen, waxaanu xubin ka noqday xulkii qaranka ee qaaday Koobkii Adduunka sannadkii 2014-kii.

Waxa abaal marino la siiyey 92 goor taageerayaasha kubadda cagtuna waxay laga soo bilaabo sannadkii 2011-kii shan sannadood oo isku xiga ugu codeeyeen inuu yahay ciyaartoyga ugu fiican xulka qaranka.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>