DIL LAGU XUKUMAY SADDEX KA MID AH RAGGII LOO HEYSTAY KUFSIGII CAASHO ILYAAS.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta go’aan ka gaartay xukunka raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sannadkaan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay saddex ka mid ah tobbon ruux oo kiiskan u xirnaa, dhageysiga maxkamadooddana ay socotay toddobaadyadii u dambeeyay.

Ragga ay maxkamadda dilka ku xukuntay, labo ka mid ah waa walaalo wada-dhashay, kuwaas oo kala ah, Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame 24 jir ah iyo Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame oo 32 jir ah iyo qofka saddexaad oo ah Cabdishakuur Maxamed Dige oo 46 jir ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday. Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kele sheegay in ragga la xukumay ay haystaan bil racfaan ah.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo, waxaana uu ahaa kiiska gabadhaan yar ee la kufsaday kaddibna la dilay mid caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sannadkan ayaa meydkeeda laga helay gabadha oo 12 jir ahayd meel aan ka fogeyn guriga ay degganaayeen qoyskeeda oo ku yaalla magaalada Galkacyo.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>