DIL ARGAGAX LEH OO CAAWA KA DHACAY DEGMADA HOWL-WADAAG

War caawa fiidkii hore inaga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Kooxo hubeysan ay Xaafad ka tirsan degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir ay dil ka geysteen, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Cali Caliyow gaar ahaan agagaarka Masjidka Furqaan ee degmada Howl-Wadaag, waxaana la sheegay in kooxda hubeysan ay dileen Nin caan ka ahaa Xaafadaas oo Magaciisa lagu soo koobay Maxamed Gaab.

“Anaga oo Xaafada iska joogno ayaa waxaan maqalnay rasaas, kadib waxa naloo sheegay in Maxamed Gaab la dilay, runtii ma aqaano waxa uu qaban jiray balse dadka xaafada ku nool ayuu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay dilkiisa Goobta waa ay ka baxsadeen ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool Xaafada dilka uu ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa uu ahaa Shaqsiga la dilay, hayeeshee wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in uu ka mid ahaa Bahda Ciyaaraha ee degmada Howl-Wadaag,waxaana goobta dilka uu ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo haatan howlo baaritaano ah wada.

Magalada Muqdisho mee Caasimadda Soomaaliya ayaa maalmahaan waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayay dadka xiriirka la leh dowladda Soomaaliya,waxaana inta badan dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>