DIGNIIN SOOMAALIYEY MAALIN SOO SOCOTA

Waxaa nagu soo socota maalinta 14ka February oo loo yaqaano Maalinta Jacaylka adduunka (Valentine’s day) maalintaas oo ah maalin ay dadka Kiristaanka ahi is dhaafsadaan fariimo xambaarsan jacayl, iyadoo dadka is jecelna ay isla xiriiraan ayagoo muujinaya in la joogo maalin ku wayn Jacaylka ayna qasab tahay qof walba oo wax jecel in maalintaas laga dareemo.

Haddaba dad Muslimiin ah oo Soomaalidu ka mid tahay ayaa qaar dhalinyarada ka mid ahi waxa ay xusaan maalintaas oo ah maalin uu geeriyooday Baadari Kiristaan ah, iyaga oo samaynaya wax walba oo ay gaaladu sameeyaan.

Soomaaliyey waxaa loo baahan yahay in aan iska ogaano maalintaas iyo ujeeddada ka dambaysa, waana in wax waliba oo aan sameyneyno aan u eegnaa diinteenu waxa ay ka qabto iyo cidda ay u gaar tahay.

Nabigeena Muxamad(SCW) si weyn uga digay inaan ku dayano Yuhuud iyo Masiixiyo waxaana muuqata in arrintii ay ku socoto siduu Nabigeena suuban (NNKH) horey u sheegay oo dad badan maanta ilbaxnimo moodeen in ay racaan umaddo kale oo aynaan isku diin ahayn.

CIIDDA MAALINTA JACEYLKA waa maxay?! yaase dhaqan ahaan ama diin ahaan iska leh, xageyna ka soo bilaabatay?!!

Boqortooyadii Roomaanka intii aysan noqon Masiixiyada ayay ugu dabaaldagi jireen waxa ay u yaqaaneen Jaceylkii illaah ama Xuska Shuhadadii Jacelka, waxaana jira wax yaabo badan oo khuraafaad ah oo ay aaminsan yihiin.

Haddaba ogow Maalinta 14KA Febraayo waxa ay kulmisay maalmo kala geddisan oo ku suntan taariikhda dadka rumaysan diinta kiristaanka, maalmahaas oo ay dhaceen falal lagu khaarajiyey qaar ka mida Baaderiyiintii ugu waaweynaa, baaderiyiinta la laayey waxaa kulminayey magacyadooda oo isku mid ahaa Valentine iyo maalinta la laayey oo ahayd 14ka Febraayo, sanadaha la laayay ayaa kala duwan balse maalinta ama bisha la laayahay ayaa isku soo beegmay oo 14-ka Febraayo noqday.

Sida ku qoran diiwaanka taariikhda madhabta kaatooliga ee diinta masiixiga xiligii bilowgii diinta kiristaanka waxaa jiray 3 baaderi oo kiristaan ahaa (Bishops) kuwaasoo 3dooda magacba wada ahaayeen Valentine mid wuxuu ahaa baadeeriga kaniisada Roma mid kalena wuxuu ahaa baaderiga kaniisada magaalada Terni oo isla Talyaaniga ah kan kale wuxuu u soo gudbay qaarada afrika isagoo daaci diinta kiristaanka fidinaya saddexdaba waxaa la dilay isku maalin taasoo ahayd 14-ka Febraayo laakiin sanadaha la dilay way kala duwanayeen wuxuunbaa kulmay maalmaha la dilay oo ahaa Febraayo 14keedii.

Habadaba sheekada valentine day waxaa xiiso gaar ah u sii yeelay siina xoojiyey siday isku raacsan yihiin diiwaanada taariikhda ee madhabta protestant iyo madhabta kaatooliga ee diinta kiristaanku waxaa weeye waxaa jiray markay taariikhdu miilaadigu ahayd 270 Boqor Roman ah oo la odhan jiray Claudius 2aad kaasoo dhalinyarada wiilasha ee askarta ah ka mamnuucay inay guursan karaan isagoo markaa u arkayey hadday guursadaan in aanay dagaal geli karayn maadaama ay cadawyo badan oo darafyada ka xiga lahaayeen oo mar kasta dirir iyo dagaal u joog ahaayeen, sida la weriyeyna waxaa jiray baaderi kiristaan ah oo magaciisu ahaa Valentine oo si qarsoodiya dhalinyarada wiilasha askarta ah ugu guurin jiray gabadha mid kastaa la soo heshiiyo isagoo markaa u arkayey in amarka boqorku ku mamnuucay in askartu guursan karaan ka hor imaanayo diinta kiristaanka balse aakhiritaankii waxaa warkii uu gaaray boqorkii sidii ayaana baaderigii lagu soo qabtay oo lagu xiray.

Sida ku qoran diiwaanka madhabta kaatooliga ee diinta masiixiga ninkii baaderiga ahaa waxay jeelka isku barteen kuna saaxiibeen nin ka mida askari jeelkii ilaalin jiray kaasoo magaciisa lagu sheegay ASTERIUS oo dhalay gabar indho la’ayd wuxuuna askari jeelkii baaderigii kiristaanka ahaa uga sheekeeyey indho la’aanta gabadha uu dhalay iyo culayska ay ku hayso.

Baaderiga oo dhanka dabiibka ku fiicnaa ayaa wuxuu dabiibay gabadhii taasoo aragii ka maqnaa heshay waxaana halkaas ka dhashay jacayl dhex maray gabadhii iyo baaderigii daaweeyey iyadoo gabadhii jeelka ku soo booqatay baaderigii balse intaanay is calfan ayaa baaderigii deldelaad lagu xukumay sida la weriyeyna intaan la deldelin ka hor ayaa baaderigii kiristaanka ahaa codsaday in loo keeno qalin iyo warqad wuxuuna ku qoray erayo sagootin iyo dardaaran ahaa kuwaasoo uu u dhaafay gabadhii ay is jeclaayeen weerahaasina waxay ahaayeen WAXAY KAAGA TIMI VALINTINE (FROM YOUR VALENTINE) aakhirkiina ninkii baaderiga ahaa ee magaciisu ahaa Valentine waxaa la deldelay February 14, 270.

isagoo xusaya shahiidnimada 3daa baaderi ee kiristaanka ah oo la dilay iyagoo daaciyiin ah iyo baaderigan dambe ee isna ka hor yimid amarkii boqorka jaahilka ah sidaasna lagu deldelay ayaa Pope Gelasius oo ahaa Pope guud ee diinta kiristaanka fadhigiisuna ahaa kaniisada magaalada Roma taariikhda miilaadiga ahi markay ahayd 496 sameeyey xuskii ugu horeeyey ee maalintan la xusayo kaasoo xaruntii kaniisada ku xusay una bixiyey magacan ay ilaa maanta sidato ee valentine’s day isagoo markii dambena jideeyey in sanad walba marka la gaaro Febraayo 14keeda la xuso iyo sidoo kale in maalintan loo aqoonsado maalin ciid ah oo dhammaan dadka diinta kiristaanka ku abtirsadaa shaqooyinka ka fadhiiistaan markii dambena waxaaba la gaarsiiyey in laga dhigo ciida labaad ee kirismaska oo lagu soo xigsiiyo ciida weyn ee kirismaska oo ay xusaan sanad kasta 25ka December kuna beegan dhalashadii Nabi ciise (CS).

Waxaan filayaa inaad si dhab ah imika u fahamtay waxay ay tahay Valentine day iyo cida xusta iyo sababta loo xuso balse isweydiintu waxay tahay hadaa maxaa loogu bixiyey maalinta jacaylka Aduunka iyadoo laga dhigayo maalin caalami ah oo ka dhaxaysa bulshaweynta caalamka taas jawaabteedu waa fududahay maadaama iclaamka aduunka maanta wadamada kiristaanka ahi hagayaan sidoo kalena ilbaxnimadii iyo dhaqaalihiiba iyagu gacanta ku hayaan iyaga ayuun baa caalamka gashaday inay jirto maalinta jacaylka aduunka laakiin waxaa laynaga rabaa inaynu iska hubsano wax kastoo ay ina hor dhigaan si aynaan ugu dhicin dabinada doqoni ma garatada ee ay mar kasta inala damacsan yihiin bal eeg sida dhibta yar ee laynoo geliyey maalintan wuxuunbaa la jideeyey inay jirto maalinta jacaylka aduunka taasoo loo xuso sanadka kasta Febraayo 14keeda taasoo ay xaflad samaysanayaan wiilasha iyo gabadha dhalinyarada ee is jeceli iyagoo isweydaarsanaya ubaxyo iyo hadiyado qaaliya kuna kulmaya caweysyada dhaansiga lagu ciyaaro iyo sidoo kale inay wada kulmaan oo wada cunteeyaan iwm.

Waa dabin qarsoon oo lagu duminayo diinteena suuban ee islaamka ah iyo dhaqankeena waa inaynu indho dheer u yeelanaa maalintan oo xuskeeda iska jiraa oo dhalinyaradeena ka wacyi gelinaa in aanay jirin wax la la yidhaahdo maalinta jcaylka aduunka valentine day balse in valentine day tahay maalin xuskeeda gaar u ah dadka ku abtirsada diinta kiristaanka taasoo ay xuskeeda ku weynaynayaan baaderiyadii u shahiiday fidinta diintooda kiristaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

211 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>