DHUL GARIIR CAAWA LAGA DAREEMAY MAGAALADA NEYROOBI.

Dhul gariir ayaa caawa laga dareemay degmooyin hoostaga magaalada Neyroobi ee caasimada dalka Kenya, taasoo argagax iyo cabsi xoogan ku beertay dadka ku nool magaaladaasi.

Daqiiqado ayaa dhulka oo dhan dhaqaaq laga arkay meelo ka mid ah magaalada Neyroobi dadkuna ay aragagax ka qaadeen, waxaana ka mid ah meelaha laga dareemay xaafada Islii oo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah, iyadoo dadka ay bilaabeen inay bannaanka uga soo baxaan guryahooda.

Warbaahinta dalkaasi ayaa warkaan caawa sheegtay, iyadoo meelaha laga dareemay dhul gariirkaasi Xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii la arkayay muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay taasoo u muuqatay in dadku ay bannaanka uga soo baxayaan guryahooda, waxayna ka baqayeen in darbiyada ku soo dumaan.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>