DHIBAATADA FATAHAADII EE DADKA REER BALEDWEYNE.

Khasaare Naf iyo Maalba isugu jira ayaa ka soo gaarey Fatahaadii Wabiga shabeele ee Magaalada Baledweyne qaar kamid ah bulshada halkaa ku nool.

Khasaaraha dhimashada ah oo ahaa midka ugu Xanuunka badnaa aya yimid kadib markii ay rogmatey Cagaf ay Saarnaayeen sida la Sheegay dad tiro badan, taas oo ay ku geeriyoodeen illaa dhowr qof.

Dadka halkaa ku dhintey ayaa Waxaa kamid ahayd gabar u hanweyneyd Nolosha Mustaqbalkeeda danbe, taas oo kamid ahayd Ardeyda dhiganeysay Jaamacada Hiiraan.

Seynab Cali Muuse Kadiye allaha u naxariisto oo Hiigsaneysey sidii ay u anfici lahayd Mustaqbalka Reerkooda iyo tan nafteedaba ayaa ku Weyday Nolasheedii Fatahaada.

Waxaa kale oo jira hanti ay biyuhu qaadeen iyada oo dadka Shacabka ee Masaakiinta ahna ay ka soo gaartey dhibaato la xiriirta dhinaca nolosha kadib markii ay ka bara kaceen guryahoodii oo ay banaanka Qabowga iyo Qoraxda ah u baxeen.

Dadka uu Khasaaraha ka Soo gaarey ayaa Dawlada iyo Shacabka Soomaaliyeedba looga baahan yahay in la garab qabto.

Geerida Xanuunka badan ee Ku timid Qoysaska ay Dadkoodu ku dhinteen biyaha ayaa loo baahan yahay in il gaar ah lagu eego Dowladuna ay gacan qabato Qoysaskaas.

Mohamed Farah Duurgal.

AAYAHANOLOSHA.NET

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

259 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>