DHARKA ASTAANTA QARANKA SOOMAALIYA OO SABABAY WIIL KU LABISNAA IN LOO XIRO.

Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa Maanta Magalada Hargeysa waxa ay ki xireen Wiil Dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar laga tolay dharka Buluuga ah ee Calanka Soomaaliya.

Wiilka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” ayaa xirnaa Surwaal iyo Jaakad leh midabka Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya, waxaana ka hor xarigiisa uu hanjabaad iyo qeylo kala kulmay qaar ka mid ah Shacabka Magalada Hargeysa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa Wiilkaasi Dhalinyarada ah xiray, isla markaana u dhaadhiciyay Xabsiga Magalada Hargeysa, waxaana u jeedada kaliya ee loo xiray ay tahay qaadashada dharka leh midabka Calanka Soomaaliya kaasoo ka turjumaya astaanta qaranka Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa aaminsan inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale, waxaana deegaanada Maamulkaas lagu xiraa dadka loo arko inay taageerayaan Dowladda soomaaliya, haba ugu badnaadaan kuwa ka taga Magalada Muqdisho oo markii hore ka yimid Somaliland.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>