DHAQAATIIR KA FARXISAY NIN XUBINTIISA TARANKA LAGA JARAY, QAABKEY UGA FARXIYEEN?.

Dhakhaatiirta isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa dib isugu dhejiyay xubinta taranka taas oo wiil laga jaray bishii December ee sanadki hore 2018-kii, qaliinka oo qaatay 7 saac ayaa waxaa fuliyey koox ka kooban 15 oo khuburo oo taqasus gaar ah u leh, isaga oo warbaahinta la hadlay, dakhtarkii hogaaminayey howlgalkan ayaa xusay in xubinta taranta ee la jar-jaray ay ku keediyeen qayb kamid ah Isbitaalka.

Dhibanaha, kaasi oo durbadiiba markii ay dhibtu soo gaartay la keenay Isbitaalka, ayaa haatan ku jira xaalad wacan, isaga oo awood u leh inuu sameeyo galmo, iyada oo dhirarka xubintiisa taranka hagaagsan tahay, “Wuxuu ubaahan yahay kaliya labo isbuuc oo nasiino ah, isaga oo howshiisa sii wadan kara” ayey raaciyeen dhakhaatiirta.

Wiilka oo lagu magacaabo Joseph Theuri oo 17-sano jir ah, dhigtana fasalka 3aad ee dugsiga sare waxaa soo weeraray qof aanan la aqoon, isaga oo xubinta taranka uga jaray mindida loo adeegsado digaaga, shilkaas ayaa dhacay xilli habeen ah, dhibanaha, kaasi oo haatan dib-u-helay caafimaadkiisa ayaa ahaa shaqsiga ugu wayn reerkiisa.

Howlgalkan lagu guuleystay ayaa noqonaya mid ka mid ah guulihii ugu dambeeyay oo ay gaaraan dhakhaatiirta Isbitaalka dowladda ee Kenya, sanadkii 2016-kii, isbitaalka ayaa ku dhawaaqay kadib qaliin ay 50 dhakhaatiir ku sameysay Mataano isku dheganaa ay kala fujiyeen, ku dhawaad 23 saacadood ayuu qaatay howlgalkaasi, iyada oo mataanaha oo lagu kala magacaabo Blessing iyo Favour ay waqtigaasi jireen labo sano.

W/D: Ismaaciil Cumar Madoobe (Caaqil yare).    

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,057 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>