DHAMBAALKII DHAAWACA KEENAY!!!.

Waxa ay ku luuqayneysey Heesta Caanka ah ee miraheeda ka mid ahaayeen. ” I taageer Allahayoow Arintayda Kala Taal Adaa Toosin Karayee” Iyada oo ilmayneysa oo Jikada ku dubeysa Canjeeradii Qureecda reerka waxaa si kadis ah u soo kor istaagtey gabar yar oo dariskooda ahayd, Cod hoose oo ay dadka ka qarineyso baqdina ay ku jirto ayey ku tiri”. Hoo warqadan waxaa kuu soo dhiibey Asad ee” .

Farxad darteed ayaa meel ay joogto garan weyday. Asad oo guryahooda iska soo horjeedaan ayaa xiriirkoodii lakala dhowrey oo aan la isku ag arki karin.

Bilihii ugu danbeeyey waxaa Boosto u ahaa Dhagax weyn oo labadooda Guri dhexdooda yaaley, kaas oo ay waraaqaha iyo Dhambaalada Jaceylka ay isu hoos galin jireen. Idil inta ay iska dhigto in ay qashin soo daadinayso ayey tartiib warqad dhambaal Caashaq ah u galin jirtey Asad Dhagaxa hoostiisa, isagana uu kala bixi jirey jawaabtana uu halkaa soo dhigi jirey.

Balse waxa uu xiriirkoodii go, ay markii dhagaxii Boostada u ahaa Cid xaafada guri ka dhisaneysay oo dhagixii maalintaa lagu shaqeynayey Ka dhamaadey ay ku darsadeen dhagixii weynaa ee ay kuwada xiriiri jireen.

Iyada oo aad ugu faraxsaneyd dhambaalka Caashaq ee ay maalintaa ka heshay Asad oo ayna Wakhti kala war helin, akhrinaysa kalmadaha macaanka badan ee ku dhisan Jaceylka aan Caadiga ahayn ee ka dhaxeeyey, ayaa diricii ay qabtey waxaa dhinac ka soo qabsadey Dabkii ay Canjeerada ku dubeysay.

Waa ay istaagtey waxa ay kor u taagtey Warqadii oo ay akhriskeeda sii macaansaneysay, kana ilaalineysa dabka oo Oogadeeda dhinac dhan ku baahey, diriciina uu holcayo,..wali ma ayna dareemin Kulaylka dabka qayb dhan oo jirkeeda ah waxyeeleeyey diraceediina wada gubey markii danbe.

Hooyadeed ayaa aragtey gabadheedii oo dabku Saaqey gacantana kor u taageysa iyada dhambaalka ka ilaalineysa Holaca… “Alla Balan balayeey..alla gabadhii gubatey yaa illa damiya..yaa illa damiya” ayey ku dhawaaqdey Idil hooyadeed.

Qayladii waxaa ku Soo baxay Aabaheed oo shaqo u Diyaar garoobayey…balse Wali waxa ay kor u haysey, dhambaalkii iyada oo dhulka ku dhacdey…Isbitaalka ayaa loola Cararey, waxa ay gashey Koma…walise gacanteeda waxa ay ku dhaganeyd Dhambaalkii ay u hurtey Nafteeda….

La Soco Qaybta 2aad Isniinta Dambe.

W.Q. Mohamed Farah Duurgal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>