DHALINYARADDA NETHERLAND OO U OLOLEYNAYA IN DAMBI LAGA DHIGO JIRKA LAGA GANACSADO.

Baarlamaanka Netherlands ayaa loo gudbinayaa codsi looga dalbanayo in dambi laga dhigo in loo tago dumarka jirkooda ka ganacsada.

Dhallinyaro lagu qiyaasay 42,000 ayaa sixiixay codsigaas, arrintaas ayaana ka dhigan in siyaasiyiintu ay ka doodi doonaan mawduucan, Netherlands ayaa ka mid ah meelaha ugu sharci dabacsan marka ay timaaddo in lacag lagu bixiyo galmo.

Ol’olahan la rabo in sharci darro looga dhigo ka ganacsiga jirka ayaa loo bixiyay “waan qiimo badanahay”, waxaana kaalin muuqata ku leh dad diinta Kiristan ah.

Dadka ol’olahan wadana waxay rabaan in lagu maago oo ganaax la dul dhigo dadka lacagta ku bixiya galmada.

Waxayna Instagram-ka soo dhigeen sawirro ay hayaan boorar ay ku qoran tahay “Ik ben onbetaalbaar” oo u dhiganta waan qiimo badanahay, iyaga oo raacinaya “bal ka warran hadday walaashaa ahaan lahayd”.

Si kastaba ha ahaatee qof ka jawaabaya sawirkaas ayaa soo qoray “Anigu isxaan ahaan baaban arrintan u sameeyaa. Dad ila mid ahna way jiraan. Marka ol’olahan shaqadayda halis ayuu ka dhigayaa.”.

Siday u arkeen dadka jirkooda ka ganacsada?.

Qaybaha ay dadka jirkooda ka ganacsada adeegsadaan ee Amsterdam ayay dad badan booqdaan, caadiyanna in jirka oo laga ganacsado waxaa dalkaas looga arkaa qayb xoriyadda shaqsiga la xiriirta.

“Haddii gabadh ay rabto in ay jirkeeda iibiso waa istikhiyaarkeed,” arrintaasina waa dood ay dabada ka riixeen siyaasiyiin iyo dad ay isku aragti yihiin.

Balse gabadh ka tirsan BBC-da oo waraysatay dumarka jirkooda ka ganacsada ayaa sheegtay in marka hore ay dumarku kuu sheegayaan in ay istikhiyaarkooda u doorteen, balse marka lala sii sheekaysto ay badankood kuu sheegayaan in marxalad ay ku qaaday oo wax u dhaama ay waayeen.

Dadkaas BBC-da la hadlay waxaa ka mid ahaa hooyo ay ninkeeda kala tagen oo arrintan u gashay si ay carruurteeda oo Romania ku sugan waxbarasho fiican ugu hesho, iyo gabadh kale oo niyad jabsan oo ka soo tagtay tacaddiyo loo gaystay.

Qaar ka mid ah dadka jirkooda ka ganacsada ayaa sheegay in haddii dambi laga dhigo ay dhibaato u horseedi doonto dumarka ay shaqada u tahay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>