DHAKHTAR KHAMREYSAN OO HAWEENEY IYO CANUGEEDA DILAY

Dhakhtar isaga oo khamraysan qaliin ku sameeyay haweenay xaamilo ah ayaa sabab u noqday in ay dhintaan haweeneydii iyo canugii ay uurka ku siday, waxaana ugu hor geeriyooday ilmihii yaraa, iyadoo hooyadiina ay wax yar kadib dhimatay.

Booliska ayaa sheegay in qalabka lagu baaro darooga uu u xaqiijiyay in dhaktarka uu khamri cabay, waxayna hadda baaritaan ku sameynayaan in haweeneyda ay dayac u dhimatay ama ay eersatay xaalad caafimad oo soo wajahday.

Dr. PJ lakhani wuxuu ka mid yahay dhakhaatiirta ugu khibradda badan dalka Hindiya wuxuuna 15 sano ka shaqeynayay cisbitaal ay dowladda maamusho.

Warbaahinta ayaa sheegtay in qoyska oo ka warsugayay natiijada qaliinka lagu wargeliyay in cunugii uu dhintay, hooyadiina ay aad u dhiig baxayso, iyadoo Kamini Chachi la geeyay cisbitaalka galankii dambe ee Isniintii iyadoo foolanaysa.

Booliska ayaa sheegay in Diktoor Lakhani uu iyaga soo wacay oo uu caawin ka codsaday isagoo ka cabsi qaba in qoyska ay weerar u geystaan marka ay ogaadaan dhimashada.

“Markaan Cisbitaalka gaarnay ayaan ogaanay in uu khamreysnaa sidaas daraadeedna xabsiga ayaan u taxaabnay” ayuu yiri HR Goswami oo booliska ka tirsan.

Cisbitaalka ayaa guddi u saaray in baaritaan ay ku sameeyan waxa sababay hooyada iyo cunugeeda.

Aayahanolosha.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>