DHACDO YAAB LEH OO KA DHACDAY MID KA MID AH ISBITAALLADA MUQDISHO

Dhacdo yaab leh ayaa ka dhacday mid ka mid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqisho sida ay saxaafadda u sheegeen mas’uuliyiinta Isbitaalkaas.

Hooyo magaceeda lagu sheegay Xamdi Xasan Macalin oo wiil ay ku dhashay Isbitaalka Wardi ee degmada Xamar Jajab ayaa xilli habeennimo ah kaga dhex tagtay Isbitaalka wiilkii yaraa ee ay umushay.

Wiilkan yar ee hooyadiis ka dhuumatay ayaa waxaa haatan lagu xanaaneynayaa qeybta carruurta ee isbitaalka, waxaana wiilkan loo bixiyay magaca Maxamed.

Dr. Maxamed Aadan oo ka mid ah dhakhaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay markii hooyadu ay dhashay ubadkeeda, gargaar deg deg ahna loo sameeyay in canugeeda yar ay xilli saq dhexe ah isbitaalka kaga dhuumatay, iyadoo aan la ogeyn meel ay aadday iyo sababta.

Maamo Xaawo oo ka mid ah hawlwadeenada Isbitaalka Wardi ayaa sheegtay inay kafaalo qaadeyso nolosha wiilkaasi yar ee hooyadiis Isbitaalka kaga dhuumatay.

Lama oga illaa hadda sababta wiilkan yar oo dhalan wax ka yar saddex maalmood ay kaga tagtay hooyadiisa, dhacdooyinka noocan ahna kuma cusba isbitaalada Muqdisho.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

634 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>