DHACDO XANUUN BADAN OO KA DHACDAY PAKISTAAN.

Dhacdo xanuun badan oo si weyn looga hadlaayo ayaa ka dhacday dalka Pakistaan kadib markii ugu yaraan 90 ruux oo ay ku jiraan 65 Carruur, la qaadsiiyay xanuunka HIV.

Falkaan ayaa waxaa ka dambeeyay dhaqtar Pakistaani ah oo Cirbad horay loogu duray dad qaba Xanuunka HIV ku duray dadkaasi.

Sarkaal Booliska dalka Pakistan u hadlay, ayaa sheegay inay soo xireen Dhaqtarka Jimcihii.

“Waxaan soo xirnay Dhaqtarka, kadib markii aan helnay cabasho ka timid Maamulka Caafimaadka.” Ayuu yiri Kamran Nawaz oo ah Sarkaal Boolis ah.

Wuxuu intaasi ku daray Sarkaalka Booliska in loo sheegay Dhaqtarka qudhiisa inuu qabo xanuunka HIV Aids-ka.

Booliska ayaa sheegay inay baaris ku wadaan dhaqtarkaasi sababta keentay in xanuunka HIV uu qaadsiiyo dadkaasi faraha badan.

Arrintaan ayaa shaki wayn waxa ay ku abuurtay Bulshada u dhalatay dalka Pakistaan oo noqday kuwa ka feejigan goobaha ay joogaan dhaqaatiirta.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>