DHACDO NAXDIN BADAN: GABAR 12 JIR AH OO MAALIN KADIB MEYDKEEDA LA HELAY.

Waxaa saaka aroortii hore meydka gabar yar oo 12-sano jir ahayd isla markaana reerkooda ay la’aayeen tan iyo doraad waxaa la soo hordhigay guriga dad ehelo ay ahaayeen kuwaasoo baafinayay marxuumada la helay meydkeeda.

Gabadha yar ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaas Aadan waxaana dadkeeda lagu sheegay 12-jir, waana dhacdo naxdin iyo amakaag badan oo maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

C/kariin oo ah adeerka gabadha la dilay ayaa sheegay inay meydka ay geeyeen isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo, balse si fool xun loo dilay sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Waxaa la sheegay in gabadha yar ka hor inta aan ceeji lagu dilin la kufsaday kadibna la ceejiyey ilaa ay naftu ka baxday.

Waa dhacdo naxdin badan, isla markaana ay aad uga argagaxeen ehelada gabadha la dilay iyo dadka shacabka ku nool magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>