DHACDO ARGAGAX LEH OO MAANTA KA DHACDAY DEGMADA YAAQSHIID.

Waa dhacdo kale oo Argagax leh oo saacado ka hor ka dhacday Magaalada Muqdisho markii gabar yar oo 5-jir ah uu kufsaday nin alaab looga diray inay kasoo gado.

Falkaan oo shalay dhacay ayaa soo if baxay maanta oo Khamiis ah, waxaana uu ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Gabadha la kufsaday ayaa aheyd 5 sano jir waxaana la sheegay in Baraf looga diray inay soo gado ninka wax kufsaday ayaana kaxeystay kadibna fara xumeeyey.

Ninka falkaas foosha xun sameeyey waxa qabtay Ciidamada Amniga Soomaaliya waxaana hadda uu ku xiran yahay Saldhiga Degmada Yaaqshiid.

Ehelka Gabadha waxay ka gaabsadeen inay warbaahinta la hadlaan, magaceeda lama soo bandhigin iyo ninka gabood falkaasi sameeyey, sababo la xirriira maamulka Degmada Yaaqshiid oo dhacdadan warbaahinta u diiday inay ogaato.

Falka gabadha shan jirka lagu kufsaday ee Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid ayaa kusoo beegmaya xilli Magaalada Gaalkacyo Isbuucaan soo if baxday Gabar 12 Jir ah inta la kufsaday kadibna la dilay.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>