DHACDO ARGAGAX LEH OO KA DHACDAY XAAFAD KA MID AH MAGAALADA MUQDISHO.

Dhacdo argagax ku beertay dadka degan xaafada Gubta Degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho, ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacday dhacdo intii maqashay anfariir ku noqotay.

Sida wararku nagu soo gaareen  nin ku hubeysnaa Tooreey (Mindi) uu gowracay gabar yar oo da’deeda ahayd 2-sano jir, laguna magacaabi jiray Idman C/laahi.

Dadka deegaanka xaafada Gubta ee falkan wuxuushnimada ah uu ka dhacay ayaa shegay in Ninka dilka geystay oo ku hubeysnaa tooreey uu galay qolka ay jiiftay gabadha yar, kadibna uu si naxariis daro ah u gowracay, waxa ayna tilmaameen in hooyaddii dhashay gabadha ay naxdin la suuxday, isla markaana uu goobta ka baxsaday ninka sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka falka geystay iyo Hooyada dhashay Idman C/laahi uu xirriir hore ka dhaxeeyay.

Ciidamada amaanka Degmada Deyniile oo tagay halka uu dilka ka dhacay kuwaas oo baadi goob ku haya ninka falka dilka ah ka dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo xaafadaha magaalada Muqdisho.

 

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>