DAAWO: XAFLAD MEHER OO XUJO LAYAAB LEH LA DHEX DHIGAY, KADIBNA LAGU KALA DAREERAY.

Lamaanayaal Soomaaliyeed oo la filayay in Meherkoodu uu dhaco ayaa sabab layaab leh oo ay la fajaceen dadkii ka soo qeyb galay iyo wadaadkii mehrin lahaaba ku burburay.

Dhacdadan layaabka leh oo ka dhacday deegaanka Qoraxeey oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa sida aad ka daawan doontaan muuqaalka Video-ga ku lifaaqan warbixintan xafladda meherka lamaanayaasha oo la filayay inuu dhaco ayaa aabaha dhalay gabadha la doonayay in la Nikaaxiyo waxa uu sharuud kaga dhigay meherka gabadhiisa inay tahay 10,000$ (TOBAN KUN OO DOOLLAR), hase yeeshee gor-gortan iyo isjiid jiid dheer kadib waxa uu ka hoos mari waayay 5000$ (SHAN KUN OO DOOLLAR), isla markaana sharuud kaga dhigay in isla goobta meherka lagu siiyo, haddii aan sidaa la yeelina gabadhiisa aanu diyaar u ahayn inuu bixiyo.

Hooyada dhashay wiilka doonayay in lagu nikaaxo gabadha ayaa sheegtay inaysan wax lacag ah wadin, isla markaana sharuuda aabaha gabadha ay ku adag tahay, iyadoo wiilkeeda iyo dadkii kale oo dhinaceeda ka socday ugu baaqday inay fadhiga isaga baxaan, taasoo sababtay in xafladdii meherka lagu kala dareero.

Sida wararku inagu soo gaarayaan waxaa socda waan waan laga dhex wado labada qoys ee mucaashaqiinta Soomaaliyeed ee is doortay hase yeeshee sharuuddaas darteed uu meherkoodu ku baaqday.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA.

 

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

965 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>