DAAWO: XAFLAD ISUGU JIRTA XIRITAAN SANAD DUGSIYEED IYO SHAHAADO GUDDOONSIIN OO LAGU QABTAY MACHADKA TOWFIIQ.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xiraayey sanad dugsiyeedka 2018/2019, isla markaana shahaadooyin kala duwan lagu guddoonsiiyey Ardey ka qalin jabisay Qur’aanka Kariimka iyo culuumta kale, iyadoo ardaydan ay ahaayeen kuwo usoo dhabar adeegay waxbarashadooda mudadii ay dhiganayeen Machadka Towfiiq Islamic senter magaalada Oslo ee dalka Norway.

Waxaa ka soo qeyb galay xafladaan qeybaha kala duwan ee bulshada  oo isugu jira, Aqoonyahano, Macalimiin, Waalidiin, Culumaa’udiin, Ardey iyo Ubadka wax ka barta Machadka Towfiiq Islamic senter oo hoostaga Masaajidka Towfiiq oo ah Masjidka Soomaalida ee ugu weyn guud ahaan dalka Norway.

Ardeyda wax ka barata Machadka Towfiiq Islamic Senter oo u dabaal dagayay xiritaanka sanad dugsiyeedka xiliga Samarka isla markaana qaar ka mid ah Ardeyda la gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan ayaa waxay ardeydu halkaas ku soo bandhigeen Ruwaayado, Khudbado, Anaashiid ay ku amaanayaan qiimaha ay waxbarashada, barbaarinta macalinka iyo waalidkaba ay leedahay.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Dacwada Masjidka Towfiiq Ustaad Abuukar Xasan Maxamed ayaa  u mahadceliyey, waalidiinta iyo guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Oslo iyo deegaanada ku xeeran, isagoo ku booriyey inay sii laba laabaan doorka kaga aadan sidii ubadka loo bari lahaa Diinta, Dhaqanka iyo Afka Hooyo.

Sheekh Fu’aad Axmed Iimaan mudiirka Machadka Towfiiq ayaa dhankiisa ardeyda iyo macalimiinta ku amaanay dadaalka mudada sanad dugsiyeedka ay la yimaadeen, wuxuuna waalidiinta kula dardaarmay inay laba laabaan dadaalkooda kaga aadan Carruurta isla markaana ay ka warqabaan Macalimiinta.

Sidoo kale Sheekh Fu’aad Axmed Iimaan oo ah maamulka Machadka Towfiiq ayaa sheegay inay xafaldaani iskugu jirtay xirtaanka sanad dugsiyeedka 2018/2019, Ardey ka soo gudubtay fasaladii sanadkan ay dhiganayeen iyo qaar fara badan oo shahaadooyin la guddoonsiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha bulshada Jamaal Yuusuf Keynaan oo dhankiisa kalmado jeediyey ayaa sheegay inay ka caawindoonaan waalidiinta ay la soo daristay daruufaha dhinaca waqtiga Carruurtooda keenista Machadka inay ka caawin doonaan ka doonista xaafadaha ay dagan yihiin, isla markaana ay u samayn doonaan booqasho guri.

Munaasabadaan ayaa intii ay socotay waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay qaar ka mid ah aqoonyahanadii, waalidiintii goobjooga ka ahaa bandhig masraxeedkii quruxda badnaa ay sameeyeen Ardayda Machadka Towfiiq Islamic Senter iyo macalimiintii, waxayna tilmaameen in bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Oslo iyo deegaanada ku dhow dhow inay nasiib wacan u heleen Iskuul iyo Madaraso lagu baranayo xifdinta Qur’aanka Kariimka, Diinta iyo maadooyinka kale oo ay maamulayaan macalimiin Soomaaliyeed isla markaana qibrad waqti dheer u leh.

Ugu danbeyntii Imaamka Masjidka Towfiiq Sheekh Cali Maxamed Saalax ayaa xaflada ku soo gabagabeeyey Duco iyo dardaaran uu si guud ahaaneed u jeediyey Waalidiinta, Ardeyda iyo Macalimiinta, wuxuuna sheegay inay tahay wax lagu farxo in Carruur Norway ku dhalatay ay diinta Islaamka iyo Culuumteeda kala duwan ay hadba luqada ay rabaan ku sheegaan sida, Afka Soomaaliga, Carabi, English, Norwegian-ka iyo Afaf kaleeto, wuxuuna tusaale u soo qaatay Ciyaalka Carbeed oo bishan Soon aynu ku jirno su’aalo laga weydiinayay siirada Nabiga (NNKH) kuwaasoo haleeli waayay jawaabaha su’aalihii la weydiiyey, hase ahaatee taas badalkeeda Ardey fara badan oo Soomaaliyeed inay si sax ah uga jawaabeen su’aalahaasi iyo kuwo kale oo fara badan, taasina ay tahay sida uu sheegay guul u soo hoyatay waalidiinta, macalimiinta iyo maamulka Machadka Towfiiq Islamic Senter oo juhdi fara badan ku bixiyey Ardeydaan.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadaan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo xirayay sanad dugsiyeedka Machadka Towfiiq Islamic Senter oo furnaa 20-kii sano ee u danbeeyey, iyadoo ay ka aflaxeen mudadaas arday aad u fara badan kuwaas oo ka bartay Culuumta Tarbiyada Islaamka, Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo daruuso kaleeto oo laga bixiyo Machadkaasi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA.

W/Diyaariyey: Salaad Xuseen Maxamuud (Salaad-Daacad).

Oslo-Norway.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>