DAAWO: AABE CANUG UU DHALAY KA SOO TUURAY SAQAFKA SARE GURIGOODA.

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo guud ahaan dalka Koonfur Afrika, kadib markii aabe canug yar oo uu dhalay ka soo tuuray saqafka sare guri ka sameysan jiingad oo ay ku noolaayeen.

Sida ay sheegeen Booliska dalkaasi waxaa soo gaartay fariin ah in aabe Koonfur Afrikaan ah isku dayayo inuu canug yar oo uu dhalay inuu ka soo tuuro saqafka sare guriga, si uu nolosha u dhaafiyo.

Sida ka muuqata muuqaalka sawirada hoose Ciidamada Baliiska Koonfur Afrika ayaa soo bad-baadiyey ilmaha yar oo aabihii ka soo tuuray guriga korkiisa, hase yeeshee inta aanu canuga yar dhulka ku dhicin ay bad-baadiyeen ciidamo kale oo dhulka ku sugnaa si ay canugaas uga bad-baadiyaan waxyeelo soo gaarto.

Aabaha wiilka dhalay ayaa ku andacoonaya in xaaskiisu nolol maalmeedka Biilka guriga qaali kaga dhigtay, kadibna uu go’aansaday inuu ilmihiisa kazoo tuuro guriga dushiisa.

Baliiska ayaa xiray aabaha falkaasi wuxuushnimada ah ku kacay, taasoo ka baxsan xeerka bani’aadanimada in ilmo yar nolosha loo dhaafiyo bixin la’aanta biilka guriga oo aabaha reerka mas’uuliyad ay ka saaran tahay.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,335 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>