DAANYEER BAS WADAY OO SIYAABO KALA DUWAN LOOGA HADLAY

Darawal waday gaari Bas ah oo ay saarnaayeen rakaab gaaraya Soddoomeeyo ruux ayaa waxa uu wadista Baskii u dhiibay Daanyeer ku fariistay Isteerinkii Baska si uu u wado.

Darawalka falkan sameeyay oo u dhashay dalka Hindiya ayaa waxaa laga duubay muuqaal dad badan aad u wada daawadeen, waxayna dadka rakaabka ahi ku qanacsanaayeen kuna faraxsanaayeen in Daanyeer uu ku wado Baska ay saaran yihiin.

Waxaa la sheegay in Daanyeerka uu watay qof rakaab ah oo hore ka saarnaa Baska, kaasoo ogolaaday in daanyeerkiisa loo dhiibo Baska  baska ay saarnaayeen dadka rakaabka.

Dhacdadan oo noqotay mid siyaabo kala duwan dadka ay uga hadleen ayaa shirkadda iska leh Baskan uu waday Daanyeerka si weyn uga carootay falkaas, waxa ayna maamulka shirkadda isla markiiba ay si degdeg ah shaqo joojin ugu sameeyeen darawalkii Daanyeerka Baska u dhiibay.

Afhayeen u hadlay shirkadda Baska leh ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in khatar la geliyo nolosha rakaabka, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in gaari dad badan saaran yihiin lagu aamino Daanyeer in uu wado.

Darawalka Baska waday ayaa Daanyeerka inta dhabta saartay gacanta u geliyay isteerinka ama shukaanta laga kaxeeyo Baska si uu u sii wado Daanyeerku Baska, taasoo dad badan ay siyaabo kala duwan uga hadleen, balse shirkaddii Baska lahayd ay falkaasi ka carootay shaqadiina ka raacdeysay darawalkii.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>