CAASHA OO LA AASAY IYADOON CADDAALAD HELIN.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay dad badan oo Soomaaliyeed ay aad uga argagaxeen kana caroodeen fal foolxun oo lagu la kacay gabadh yar oo lagu kufsaday magaalada Galkacyo, kadibna la dilay.

Way adagtahay in la helo erey lagu cabiro dhibaatada loo geystay gabadhaasi yar oo ahayd ardayad wax barata.

Dhacdadan ma ahan midii ugu horeesay oo ka dhacday deegaanadaasi oo waxaa ka horeeyay kufsi loo geystay gabdho kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Galdodgob, Galkacyo, Garowe, Guriceel, inkastoo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay.

Hasayeeshee waxaa la isweydiinayaa suurtaglanimada ah in gabadhaasi iyo kuwa la midka ah ay helaan caddaalad, maadaama deegaanadaasi ay horay uga dhaceen falal kufis oo noocan oo kale ah, balse aysan jirin tallaaba muuqato oo laga qaaday dadkii ka dambeeyay falalkii horay u dhacay.

“Gabadhan caddaalad ma heli doonto, sababtoo ah waxan ku sababaeynayaa gabadhii u dambeesay ee lagu dhibaateeyay Galdogob, wixii ay u baahneyd ma aysan helin, bulshadii way fuquuqday oo Muqdisho ayay usoo carartay, waxaana usoo joogay kiisas badan oo caddaalad darro ah”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegtay Muna Xassan oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka.

Muna ayaa sidoo kale sheegtay in arrimaha noocan oo kale ah qaab qabiil ah lagu xaliyo, balse iyadoo sidaasi ay tahay na aysan dhibaatada joogsanin.

“Waxaa usoo joognay kiisas badan oo noocan oo kale ah, arrin ayaa hadda hortaala maxkamad oo gabadh 16 jir ah ayaa laba bilood guri ugu xirneyd wiilal oo markii dambe lasoo helay, raggii ka dambeeyay na lasoo qabtay, balse laba bilood ayaa la iska daba wareejinayo, marka gabdhuhu caddaalad ma helayaan”. Ayay raacisay.

Sidee caddaalad loogu heli karaa gabdhaha dhibaatada loo geysto?

Inkastoo wacyigelin badan la sameeyay sanadihii dambe, hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn na ay ku howlanaayeen sidii wax looga qaban lahaa arrimahan ayaa haddana waxaa muuqata in marnaba aysan istaagin dhibaatooyinka loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanada gobolada dhex oo mudooyinkii dambe lagu la kacayay falal isugu jira kufsi iyo dil.

Dad badan waxay qabaan aragti ah in dhibaatadu ay ugu wacan tahay hab dhaqanka wax lagu xaliyo, bulshada oo aan daacad ka ahayn xal u helida arrintan iyo odhayaasha dhaqanka oo marwalba gabaad u noqda dhalinyarada lagu eedeeyo falalka kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah dumarka.

“Caddaalad in la helo bulshada ayay ku xiran tahay, gaar ahaan hooyooyinka iyo awlaada dadkii dhalay, haddii bulshada deegaanka ay rabaan in caddaalad la helo waa inay caddaalada miciin bidaan oo ay ka shaqeyaan qaabkii lagu heli lahaa”. Ayay tiri Muna.

Muna ayaa intaa raacisay in caddaalad ay imaan karto iyadoo aan la eegeyn qabiil, si ay kuwa kale u badbaadaan.

Kufsiga lagu la kacay gabadhan yar ayaa waxa ka carooday dad badan oo dalbaday in raggii ka dambeeyay falkaasi la horkeeno caddaalada, waxaase aan la ogeyn sida ay caddaalad ku heli karto gabadhaasi iyo kuwa badan oo horay loo dhibaateeyay.

XIGASHO: BBC

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>