BUKAANO GODAD LAGU AASO KU CAAFIMAADAY

Dhakhtar bukaanada u daweeyaa qaab isaga u gaara ayaa la sheegayaa in dad badan oo uu qaabkaas u daweeyay ay caafimaadeen.

Dhakhtarkan oo u dhashay dalka Ukrain ayaa waxa uu  dadka bukaanka ah ee goobtiisa yimaada uu u sameeyay godad uu ku aaso, wuxuuna qofka godkaasi ku jiraa muddo labo saacadood ah.

Dhakhtarkan oo magaciisa la yiraahdo Andre Zelivetro ayaa daweeya xannuunada nafsiga ah, waxaana uu  bukaanada u yimaada badankood ku aasaa godad ay ku jiraan muddo labo saacadood ah.

Gododka uu ku aaso dadka bukaanada ah ayaa waxa uu dhakhtarkan ka qoday keymaha, waxaana u yimaada dad fara badan oo bogaadiyay qaabka uu wax u daweeyo dhakhtarkaas.

Ciidamada Booliska oo ka war helay qaabka uu ninkani u daweeyo dadka bukaanada ah ayaa baadigoobay ninkaas, balse markii Boolisku  la kulmeen uu ku qanciyay inuu dad badan oo aad u xanuunsanaa uu qaabkan ku daweeyay.

Dr. Andre ayaa bukaanada qaarkood ee uu daweeyay ka duubay muuqaalo muujinayay qaabka uu u aaso, xilliga uu aasay iyo waqtiga uu ka soo saaro, waxaana muuqaaladaasi uu ku baahiyey baraha bulshada waxaanu sheegay in arrintaasi ay wax badan ka beddeshay caafimaadkii dadkii uu ku daweeyay godadkaas.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

473 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>