BOOLISKA MUQDISHO OO NIN AHAAN U XIRAY GABAR U OLOLEYSA XUQUUQDDA AADANAHA SOOMAALIYA.

Dhacdo maanta ka dhacday magaaladda Muqdisho ayaa noqotay mida loogu hadal heynta badnaa maanta guud ahaan dalka Soomaaliya, kagadaal markii Ciidamada Booliska magaalada ay xabsiga dhigeen gabar ay kaga shakiyeen inay nin tahay, xili gabadhaasi la kulantay baaritaan Degmada Boondheere ay ka wadeen ciidamada Booliska.

Faa’isa Cabdi Maxamed Dhocob ayaa sheegtay inay ciidamada Booliska qabteen xili ay ka soo baxday gurigeeda kuna sii jeeday goobteeda shaqo, xili ay la socotay mooto bajaaj ay saarnayd, ciidanka oo ku amray inay furto Indha-shareer ay xirneed, markii ay furtayna askariga uu u sheegay inuu kaga shakiyey inay nin tahay oo aysan gabar ahayn, laguna amray inay xiran tahay oo ay saldhiga u raacdo ciidanka.

“Askarigii bajaajta baarayay wuxuu igu amray inaan indhashareerka iska furo, ka dib wuxuu igu arkay shaarbo uu ALLE ii dhaliyay oo igu yaalla, wuxuu igu amray inaan soo dago, wuxuuna ii sheegay in la iga shakiyay oo aan xilligaas wixii laga billaabo xiranahay”, ayay tiri Faa’isa oo ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen.

Faa’isa oo ka mid ah difaacayaasha xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa tilmaamtay in aan intaas oo kaliya loogu ekeene aflagaaddo iyo hanjabaadyo culculus kala kulantay gabar Askariyad ahayd oo aan labis xirneyn xiligaasi, taasoo laga dalbaday inay saldhiga ku baarto.

Sidoo kale waxay sheegtay in markii dambe uu saldhiggii yimid askari waayeel ah oo taliskii u sheegay in ay caddahay inay gabar tahay ayna mudantahay in la sii daayo isla markaana la raalligaliyo.

Faisa ayaa sheegtay in horay aysan ciidamada dowladda ugu xad gudbin balse ay marar kale dad shacab ah iyadoo waddooyinka socota ku faduuliyeen shaarbaha ay leedahay, markaasoo ay ku tilmaamayeen inay nin tahay.

Sawirka hoose waa Suxufi Sare Wariye Asad Dhaayoow oo ka tirsan qorayaasha Wargeyska Aayahanolosha iyo Faa’isa Dhocob.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WAREYSI AY BIXISAY FAA’ISA.

Asad Dhaayoow, Muqdisho-Somalia.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,255 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>