BISAD TUUG AH OO LA CAFIYAY

Bisad lagu yaqaanay in dadka deriska ay ka soo xaddo alaabo kala duwan ayaa hadda la timid tab cusub , waxayna markan soo xadday lacag caddaan ah oo meel la dhigtay.

Haweenayda leh oo lagu magacaabo Rachael Drouet oo degen dalka UK ayaa sheegtay in ay u malaynaysay in mukulaasha ay joojisay dhaqankii xatooyada maadaamaa ay xaafad cusub soo dageen, balse ay kaga yaabsatay markii ay guriga keentay iyada oo afka ku wadata lacag bac ku jirta.

Mar ayay gabadhan ku kaftantay in ay lacag u keento, halkii ay keeni lahayd alaabo aan micno lahayn.

Lacagta ay soo xadday ayaa dhan £25.70 , waxaana meel dhigtay nin caanaha ka ganacsada oo daris la ahaa reerka mukulaasha xanaanaystay.

Bacda ay lacagta ku jirtay.

Lacagtii ayaa loo celiyay ninkii lahaa, maadaamaa bacda dusheeda laga akhriyay ciwaanka guriga.

“Waa uu iska qoslay markii lacagta loo celiyay, wuxuuna u arkay wax iska caadi ah oo mar kasta dhaca, wuuna iska cafiyay Bisaddii tuuga ahayd ee lacagta xadday” ayay tiri Rachael Drouet

Rachael Drouet iyo Theo

Ninka ay wada joogaan gabadhan ayaa si kaftan ku jiro u yiri “Waan canaantay Theo, waxaanan u sheegay in aanan la aqbali karin arrintan, raaligalin ayuuna ka bixiyay”.

Qof daraaseeya bisidaha Roger Tabor ayaa sheegay in mukulaalaha ay guriga laga leeyahay keenaan waxyaabo raashiin ah oo ay haanta qashinka ka keeneen, balse lacagtu ay tahay wax cusub.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,126 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>