BANAANBAXYO RABSHADO WATA OO KA DHACAY MUQDISHO IYO 10-RUUX OO LAGU DILAY.

Banaanbaxa rabshaddaha wata ee Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa xoogeystay, waxaana la xiray inta badan Suuqa Bakaaraha goobaha ganacsiga ee ku yaalla.

Banaanbaxa ayaa ka dhashay kadib markii askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu dilay Mooto Bajaajle iyo ruuxii saarnaa Mootada oo sida la xaqiijiyey wiilka la dilay abtigiis.

Darawaladda Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta ayaa sheegay in ay banaanbaxa wadayaan tan iyo inta Caddaaladda la horkeenaayo Askarigii dilay dadka Shacabka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiran inta badan Wadooyinka muhiimka ah, waxaana heysta dhibaatooyin dadka Shacabka ah.

Sidoo kale 10 ruux ayaa maanta ku geeriyooday Isku dhacyo iyo Banaanbaxyo maanta dhacay Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa saaka labo ruux ku toogtay isgoyska Howlwadaag labaddaasi ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Wadde Mooto Bajaajle.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ugu yaraan labo ruux ay ku dhinteen Banaanbaxyadii looga soo horjeeday dilka loo geystay Waddaha Mooto Bajaajka, waxaana dadka careysan ay wadooyinka ku gubeen Taahiro.

Saddex ruux ayaa ku dhimatay iska horimaad Ciidanka Booliska iyo Milatariga Soomaaliya ku dhexmaray Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Warta Nabada, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen Shacabka.

Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle.

Aayahanolosha.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>