Bajaajleyda Ka Dhex Shaqeysa Muqdisho oo uu Walaac Ku Soo Kordhey.

Dhalinyarada Tagaasida Bajaajka ah Wada ayaa Walwal uu la soo dersay, kadib markii la sheegay in ay jiraan Dumar ku duraya irbad , HIV/ AIDS lagu tilmaamey.

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay gabar irbad ku durtey Wiil Bajaajle ah, taas oo aan la ogeyn waxa ay tahay…inkastoo la hadal hayo Cudurka halista ah in lagu durey, taas oo Cadeyn buuxda aan loo hayn.

Horey ayaa loo sheegay in ay Booliska qabteen qof dumar ah oo wiil Bajaajle ah ku durtey irbad HIV/ADS ah balse warar kale oo la helay ayaa sheegayey in qofta Dumarka ah Maskaxda looga jirey, oo markii la baarey laga waayey Cudurka looga Shakiyey jirkeeda, Waloow aan la helin Faahfaahin ah waxa irbada ay ku durtey ugu jirey in uu Cudurkaas ahaa iyo inkale.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira walaac iyo cabsi la soo daristey Dhalinyarada Bajaajleyda ah, oo maanta maraya in ay Ogeysiis ku dhejistaan Taksigooda sida Sawirka kaaga Muuqata, kaas oo ay ku qoreen hadalkan.

“Walaal ha i durin Minddi ayaa ii saaran yey kugu Fakan, waxaad rabto waan ka heshiineynaa”. Hadaladaas iyo ogeysiiska ay dhajiyeen ayaa Muujinaya Cabsida iyo Walaaca ay qabaan Dhalinyarada Bajaajleyda ee Magaalada Muqdisho.

Dowlada oo ay ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadka ayaa loo baahanyahay in ay indho u yeeshaan islamarkaana ay baaraan waxa ka jira Cabsidan la sheegayo, Si dadweynaha loogu xaqiijiyo in ay tahay Walaahoow aan waxba ka jirin ama u noqoto arin jirta oo laga Digtoonaado islamrkaana Dowlada iyo Shacabku ay iska kaashadaan.

Sawirka Faatima Osman.

Mohamed Farah Duurgal.

AAYAHANOLOSHA.NET

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

306 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>