Atoore caan ah oo diiday inuu qaato hanti dhaxal ah

Xiddiga caanka ah ee aflaanta Bolly Wood-ka ee dalka Hindiya Sanjay Dutt ayaa diiday in uu qaato lacag iyo hanti kale oo ay dhaxal ahaan uga tagtay haweenay taageero u ahayd isaga oo geeriyootay.

Waxa uu sheegay inkastoo uu ka mahad celinayo ficilka haweeneyda haddana waxa uu xusay in uusan aqbali karin in uu qaato hantidaas ay u hibeysay intii ay noolayd isagoo aysan kala tashan isla markaana weligiis aanay is arkin ahweeneydaas oo uusan la kulmin waligiis, isla markaana uusan aqoon u lahayn.

Bishii hore Bankiga ayaa Atoore Sanjay u sheegay in haweeney lagu magacaabo Nishi Harish Chandra Tripathi oo Lixdan iyo laba jir  oo dhimatey bishii Janaayo ee Sanadkan in ay magaciisa ku qortay lacag iyo hanti kale oo ay iyadu lahayd.

Sanjay Dutt ayaa ka mid ah Atoorayaasha ugu caansan dalka Hindiya, islamarkaana haysta lacag badan ayaa arrintaas gaashaanka u daruuray, wuxuuna sheegay in uu Bankiga kala shaqayn doono hab raaca sharciyeed ee lacagta loogu wareejin lahaa qoyska haweenaydan oo ka kooban Labo carruur ah iyo hooyadeed, kuwaas oo degan magaalada Mumbai.
Lama sheegin inta ay dhantahay lacagta.

Xigasho. BBC Somali.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

357 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>