ASKARI TOOGTAY HAWEENAY OO LA BAADIGOOBAYO

Haweenay magaceeda lagu sheegay Xaawo Shiikhow Faarax oo heysatay 8 caruur ah ayaa maanta gelinkii dambe waxaa haleeshay rasaas uu furay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya xilli ay la socotay Mooto bajaaj mareysay Isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Haweenaydaas ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka, balse intii loo sii waday ayay dhexda naftu uga baxday.

Askariga ka tirsan ciidamada dowladda ee haweenaydaas toogtay ayaa baxsaday, kaasoo aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay.

C/kariin Nuur Xalane oo ah wiil ay dhashay hooyadan ayaa sheegay in hooyadiis xanuuno hayay awgood ay isbitaal ka soo laabatay xilliga la dilayay, kuna soo socotay gurigeeda.

Saraakiisha Saldhiga Booliska Howlwadaag ayaa sheegay inay baadigoob ugu jiraan askariga dilka geystay, ayna soo qaban doonaan si maxkamad loo soo taago.

Ciidamada dowladda ee wadooyinka taagan ayaa qaarkood  rasaas aan loo meel dayin ku fura  gaadiidka dadweynaha taasoo keenta dhimasho iyo dhaawac soo gaara wadayaasha iyo rakaabka.

Aayahanolosha.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

1,179 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>